fredag, mars 29, 2024

qoxootiga reer Ukraine ee Norway oo cunto yaraan ka cabanaya.

Qoxootiga u dhashay dalka Ukraine ee kusoo qaxay dalkan Norway ayaa sheegay inaysan cunto ku filan ka helin meelaha la dajiyay. Taas oo ay sheegeen inay ku qasabto inay cunto u doontaan guryaha lagu quudiyo dadka saboolka ah( Fattighuset).

Qoxootigan oo la hadlay wargeyska Klassekampen ay cuntootinka la siiyo ay badanyihiin rooti iyo mushaari(shurbad), taas oo ay sheegeen ineysan dabooli karin baahidooda cunto. Waxeyna sheegeen inay aadaan guriga dadka saboolka ah, si looga siiyo cunto ay karsadaan.

Qaarkood ayaa sheegay in la siiyay kaar ay kujirto 100 kr si ay cunto uga soo gataan dukaanka Kiwi-ga, lacagtaas oo ay sheegeen inaysan deeqi karin baahiyahooda aas-aasiga ah.

Qoxootiga reer Ukraine ayaa horey warbaahinta u mariyay cabashooyin dhowr ah oo ku saabsan qaabka loogu soo dhaweeyay Norway, xeryaha la dajiyay iyo qaabka loola dhaqmay ka qoxooti ahaan.

Xigasho/kilde: Ukrainske flyktninger drar til Fattighuset for å få nok mat.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x