torsdag, april 18, 2024

Norway oo howl jaajuusnimo ah darteed u ceyrisay sadex diblomaasi.

Wasaaradda arrimaha dibadda dalkan Norway ayaa sadex diblomaasi oo u dhashay dalka Ruushka ku amartay inay dalka ka baxaan, kadib markii lagu eedeeyay howlo la xiriiro basaasnimo ama jaajuusnimo.

Wasiiradda arrimaha dibadda Norway Anniken Huitfeldt ayaa sheegtay in diblomaasiyaantaas aan looga baahneyn Norway, maadaama ay gacanta kula jireen howlo la xiriiro basaasnimo.

Norway ayaa ku biireyso 22 dal oo Yurub ah, kuwaas oo maalmihii ugu danbeeyay dalalkooda ka ceyriyay isku dar 337 diblomaasi oo u dhashay Ruuska. 124 qof oo kamid diblomaasiyiintaas la ceyriyay ayaa lagu eedeeyay howlo la xiriiro basaasnimo.

Wasiiradda arrimaha dibadda Norway ayaa sidoo kale sheegtay in talaabaddan ay Norway qaaday ay daba-socoto xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda bini-aadantinimadda oo lagu eedeeyay inay geysatay dowladda Ruushka. Kadib markii ay soo baxeen eedeymo la xiriiro in xasuuq magaaladda Butsja loogu geystay dad shacab ah, waxaana la helay qubuuro wadareed lagu aasay meydka dad badan.

Xigasho/kilde: Norge har utvist tre russiske diplomater fra landet

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x