fredag, mars 29, 2024

Norway iyo Sweden oo wada-shaqeyntooda amni xoojinaya.

Dowladdaha dalalka Norway iyo Sweden ayaa sheegay inay xoojinayaan iskaashiga ka dhaxeeyo labadda dowladood, gaar ahaana xaaladdahan adag ee dhanka amni ee dhawaan soo kordhay iskaashi mid ah looga sameyn lahaa.

Raiisulwasaaraha Norway jonas Gahr Støre ayaa sheegay in Norway iyo Sweden uu ka dhaxeeyo xiriir dhow iyo kalsooni. Isaga oo sheegay inay ka wada tashanayaan sidii xiriirkaas loo soo xoojon lahaa, gaar ahaan wada shaqaynta la xiriirta xagga ammaanka, difaaca iyo dhowridda deegaanka.

Støre ayaa booqasho ku tegay Sweden 5-tii april ka dib markuu casuumaad ka helay Raisal wasaaraha dalkaas Magdalena Andersson. labadda reysulwasaare ayaa ka wada hadlay dagaalka Ukrania iyo iyo xoojinta xiriirka wada shaqaynta difaac ee wadamada Nordisk la isku yiraahdo oo ah Norway,Sweden,Finland,Denmark Iyo Island.

Waxey sidoo kale sheegeen inay ka wada hadleen xiriirka Norway iyo Sweden, dhowrista deegaanka, iyo khibradihii laga helay aafadii safmareenka Koroonaha.

Wada shaqaynta wadamada Nordisk ayaa lagu yaqaan kalsooni buuxda, qayim bulsho oo adag, hay’addo dowladeed oo si fiican u shaqaynaaya iyo caadooyin iskaashi oo adag. Xiriirka u dhexeeya Norway iyo Sweden ayaa leh xidido qoto dheer iyo macno weyn, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay xafiiska reysulwasaaraha Norway.

Labada dal ah ee Norway iyo Sweden ayaa sidoo kale leh xiriir ganacsi oo muhiim ah, waxaana aad isugu gudba alaabaha lagu sameeyo, loona iibgeeyo labadda dalba.

Xigasho/kilde: Vil styrke samarbeidet med Sverige om forsvar og grønn omstilling.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x