fredag, mars 29, 2024

Nakstad: Waxaa lasoo bandhigi doonaa irbadda 4.aad ee talaalka corona.

Ku xigeenka agaasimaha caafimaadka Norway ayaa sheegay inuu hubo in dowladu ay dadka usoo bandhigi doonto qaadashada irbadda afaraad ee talaalka corona, balse uusan wali hubin xiliga lasoo bandhigi doono.

Nakstad ayaa sheegay in hey´adda caafimaadka dadweynaha Norway ay arrintan xiliga qiimeyneyso. Waxaa horeyba loo soo jeediyay in dadka uu difaaca jirkoodu jilicsanyahay la siiyo irbadda afaraad ee talaalka corona.

Dalka Sweden oo Norway daris la ah, ayaa soo jeediyay in dadka ay da´dooda ka weyntahay 65 sano, ay qaataan irbadda afaraad(4) ee talaalka corona.

Nakstad ayaa sheegay in hey´addaha caafimaadka ay ka fakarayaan xiliga ugu fiican ee talaalka afaraad dadka loo soo bandhigi karo. La iskuna hayo in la sugo xiliga qaboobaha ee soo socdo ama in dadka loo soo bandhigo hada oo mowjada xanuunku uu soo dagayo.

Xigasho/kilde: Nakstad: Det vil helt sikkert komme tilbud om fjerde vaksinedose.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x