onsdag, april 24, 2024

Maxkamadda sarre: Dadka daroogada qabatima, looma ciqaabi karo arrintan.

Maxkamadda sarre ee dalkan Norway ayaa go´aan ay gaartay ku qeexday in dadka daroogadda qabitimay( jirkoodu uu la qabsaday) aan loo ciqaabi karin iibsiga, heysashada iyo adeegsida daroogadda aan badneyn. Waxaana sidaas qoray bogga rett24.

Maxkamadda ayaa go´aankeeda ku sheegtay in dadkaas aan loo ciqaabi karin adeegsiga, iibsiga iyo heysashada ilaa 5 garaam oo daroogooinka Herowiinka, Kokaayiinta iyo Emfitimiinta. Waase hadii ay iyagu iskood u adeegsanayaan oo aysan tusaale ahaan ka ganacsaneyn.

Baarlamaanka Norway ayaa horey isugu raaci waayay mooshin arrintan ku saabsan oo la geeya baarlamaanka. Balse maxkamadda sarre ayaa hadda qodobkan sharciyeysay, kadib markii ay qareeno maxkamadda geeyeen in dadka daroogadda qabatimay aan loo ciqaabin adeegsigadda daroogadda aan badneyn.

Xigasho/kilde: Høyesterett fjerner straff for besittelse og bruk av små mengder heroin, kokain og amfetamin for rusavhengige.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x