torsdag, mars 28, 2024

Jaaliyada Norway oo la shirtay gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Soomaaliya.

Isbuucan waxaa dalka Norway marti ku ahaa gudoomiyaha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka Soomaaliya( National Independent Electoral Commission), Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Xaliimo Yareey.

Xaliimo oo u timid ka qeybqaadashada shir muhiim ah oo looga hadlayay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, ayna soo qaban-qaabiyeen ururadda Somali Norwegian Strategic Partners( SNSP) iyo Fellesrådet Afrika, ayaa isbuucan sidoo kale la kulantay wasaaradda arrimaha dibadda Norway, gaar ahaan Ergeyga Gaarka ah ee Norway ee Soomaaliya, Heidi E. Johansen, iyo madaxa safaaradda Norway ee Muqdisho Haakon Svane. Sidoo kale Haliimo ayaa mudada ay joogto Norway la kulantay ururo toboneeyo gaarayo oo ay kamid yihiin ururka Norwegian Council for Africa, Development Fund, Utviklingsfondet iyo The Oslo Center.

Xaliimo Yareey ayaa sidoo kale maanta lagu mari-qaaday aqalka baarlamaanka Norway, kadib markii ay casuumaad u fidisay Xildhibaan Maryan Cabdi Xuseen oo ah xildhibaanadda soomaalida ah ee kujirto baarlamaanka.

Kadib marka ay shaley usoo dhamaadeen shirarkii ay u timid, waxey shir afur ah oo kooban la qaadatay xubno ka socdo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway, gaar ahaan magaaladda Oslo. Iyada oo uga warbixisay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashadda oo ay ka shaqeyneysay 7-dii sano ee ugu danbeeyay.

Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa sidoo kale ka warantay suurtogalnimadda in Soomaaliya afar(4) sano kadib laga qabto doorasho cod iyo qof ah, iyo caqabaddaha ku hor-gudban, ayna ugu horeyso arrinta dhameystirka dastuurka qabyadda ah ee Soomaaliya.

Ururka Somali Norwegian Strategic Partners( SNSP) oo ah ururka Gudoomiye Halima Ismail ku casuumay Norway, ayaa gudoonsiiyay bilad-sharaf mahad-naq ah. Suldaan Bashiir Sheikh Maxamed Geele oo ah odoyaasha iyo salaadiinta jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway, ayaana isaga oo ka wakiil ah jaaliyada Norway Gudoomiye xaliimo gudoonsiiyay bilad-sharafta.

Dette bildet mangler alt-tekst; dets filnavn er 279104410_684785429498289_2118568957909786142_n-1024x768.jpg
Dette bildet mangler alt-tekst; dets filnavn er 279149836_2521283344675539_4313674060855686100_n-1024x770.jpg
Dette bildet mangler alt-tekst; dets filnavn er 279114680_1873913336137119_815670803390489372_n-1024x766.jpg
Dette bildet mangler alt-tekst; dets filnavn er 279093658_1141592656418669_8665990825350100111_n-1024x515.jpg
Dette bildet mangler alt-tekst; dets filnavn er 279161015_1637531136611844_4390773102516056581_n-1024x496.jpg
Dette bildet mangler alt-tekst; dets filnavn er 279090351_1135567546987870_8815123709139699182_n-1024x419.jpg
Dette bildet mangler alt-tekst; dets filnavn er 279222051_570895140941508_595738449270612004_n-1024x768.jpg
Dette bildet mangler alt-tekst; dets filnavn er 279279185_377483007633694_6355982688940935953_n-856x1024.jpgDette bildet mangler alt-tekst; dets filnavn er 279075128_551322613314099_3975526297431204369_n-1024x939.jpg
Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x