torsdag, april 25, 2024

Gabar dhaqmo ka shaqeyso ayuu tuhun qalad ah u xiray: Isagii ayaa la ganaaxay.

Magne Pedersen oo ah garyaqaan boolis oo caan ah ayaa lagu xumay inuu bixiyo 10.000 oo karoon oo ganaax ah, kadib markii lagu helay danbi ah inuu bixiyay amar qof lagu soo xiray oo uusan sharci iyo awood midna u heysan.

Waaxda khaaska ah ee arrimaha booliska ayaa ninkan ku tuhuntay inuu bixiyey amar lagu soo qabanayey haweenay ka shaqeysa dhaqmada saldhiga booliska. Wuxuu sidoo kale amray in la baaro guriga haweeneyda la tuhmay ,isaga oo aan ka haysan ogalaanshaha daruuriga ee maxkamadda.

Haweenayda ah shaqaale dhaqmo ayaa ahayd mid lagu tuhmay inay xadday mujoowharaad iyo agab qalin ka samaysan oo lagu xiro dharka hiddaha iyo dhaqanka Norway ee loo yaqaan Bunad.

Haweenayda ayaan baaritaanka ka dib waxba laga helin gurigeeda , sidoo kale waxaan jirin wax caddayma ah oo tilmaamayey in ay wax xadday. Alaabta la xaday oo ay lahayd askariyad boolis ah ayaa markii dambe la sheegay in laga helay gurigeeda iyadoo sanquud ku jirta.
Haweenayda oo si gaar ah u leh shirkad dhaqmada ah ayaa sheegtay in ay dhacdadan darteed ku weyday macaamiil fara badan. Sidoo kale qareenka haweenayda ayaa sheegay in tani saamayn ku yeelatay qoyska, sumcadda shaqsiga ah iyo dhaqaalaheedaba.

Xigasho/kilde: Politijurist dømt for grov uaktsomhet i tjenesten.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x