tirsdag, april 16, 2024

FHI: Fariin caafimaad oo muhiim ah oo ku socoto dumarka uurka leh.

Hoos ka daawo muuqaalka:

Sida lagu sheegey warbixin kasoo baxdey Machadka Caafimaadka Dadweynaha Norwey oo ku saabsan tallaalka cudurka koroonaha ee covid-19, Haweenka uurka leh waxaa ku imaan kara halis dheeraad, taas oo ku saabsan in ay aad ugu xanuunsan karaan cudurka covid-19. Mar kasta oo ay kororto mudadda uurka, waxaa sii kordhayo halista uu feyruska u lahaan karo haweeneyda uurka leh.
Sida darteed wuxu machadka cafimadka dalka norwey kula talinayaa dhamaan haweenka uurka leh in ay isku talaalan ugu yaraan 2 irbadood o tallalka karona ah.

Dr. Ahmed Maxamed oo ah dhakhtar soomaali ka howlgala xarunta Grønland legekontor ee magaaladda Oslo. Dhakhtar ayaa sheegay in haweeneyda uurka leh ay saarantahay labo masuuliyadood oo kala ah: caafimaadka qofka uurka leh iyo ilmaha uurka kujira.
Hadii uu xanuunku saameeyo haweeneyda uurka leh, wuxuu sidoo kale saameyn karaa ilmaha guurka kujiro Taas oo halista xanuunka ka dhigeyso mid labo jibaar ah.

Sidaas darteed ayuu dhakhtarku kula talinayaa dhamaan haweenka uurka leh inay qaataan talaalka, ugu yaraan labadda irbadood ee koowaad. Ayna muhiim tahay inay qaataan talaalka sadexaad ee xoojiyaha loo yaqaano.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x