fredag, mars 29, 2024

Dowladda oo sii fududeyay xeerarka iyo talooyinkii Corona.

Wali dad badan ayuu si maalinle ah ugu dhacaa feyruska coronan gudaha dalkan Norway. Dowlada ayaa horey dadka uu corona ku dhaco, ugula talin jirta inay afar maalmood joogaan gurigooda, si aysan xanuunka usii faafin. Balse dowladda ayaa taladaas meesha ka saartay.

Wasiiradda caafimaadka Norway Ingvild Kjerkol ayaa sheegtay in xiligan lagu qasbanyahay in lala noolaado feyruska corona. Wasiiradda oo shaley ka hor hadashay baarlamaanka Norway ayaa sheegtay:

Waxaan rabnaa inaan caadi ka dhigno sidii aan ula dhaqmeyno feyruska.

Inkasta oo dowladu ay fududeysay xeerka corona, hadana waxaa wali degmooyinka Norway ayaa sii wadayo baaritaanka dadka laga qaadayo ee corona.

Dadka da’ da ah ama kuwa qaba xanuunadda qaarkood qaba ayaa sidoo kale loo bandhigi doonaa inay qaataan irbadda afaraad ee talaalka corona.

Feyruskii wali ma dhamaan:

Wasiiradda caafimaadka Norway ayaa sheegtay in wali uusan xanuunka dhamaan. Aana wali la ogeyn qaabka uu faafitaanka feyruska ahaan karo, iyo inuu soo noqon karo iyo inkale. Wasiiradda ayaa sheegtay inay imaan karaan noocyo kale oo Feyruska ah, sidaas darteed waxey sheegtay in dowladu ay si dhow ula socoto dhaq-dhaqaaqa feyruska.

Machadka caafimaadka dadweynaha Norway ayaa soo jeediyay in corona loola dhaqmo sida xanuunadda caadiga ah oo kale, tusaale ahaan Hargabka.

Xigasho/kilde: Rådet om å være hjemme fire døgn etter coronasmitte oppheves.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x