torsdag, mars 28, 2024

Cuno-qabateyn la saaray gabdhaha Putin.

Wareegii ugu dambeeyey ee cunaqabataynada Mareykanka ee ka dhanka ah Ruushka ayaa waxaa ku jira laba bartilmaameed oo cusub: Gabadhaha madaxweyne Vladimir Putin ee Katerina iyo Maria, oo saraakiisha Mareykanka ay rumeysan yihiin inay qarinayaan hantida Putin.

Gabadha Putin ee Katerina Vladimirovna Tikhonova waxay madax ka tahay shirkad taknoolaji oo shaqadeeda ay taageerto dowladda Ruushka iyo waaxyaheeda gaashaandhigga, sida lagu sheegay faah-faahinta xayiraadda Mareykanka ee soo baxday Arbacadii.

Gabadhiisa kale ee Maria Vladimirovna Vorontsova waxay hogaamisaa barnaamijyo ay maal-geliso dowladda oo Kremlin-ka ka helay balaayiin dollar oo ku wajahan cilmi-baarista hide sidayaasha, waxaana si shakhsi ah dusha ugala socda Putin, sida uu Mareykanku sheegay.

“Waxaan haynaa sabab aan ku rumeysano in Putin iyo qaar badan oo ka mid ah saaxiibadiisa iyo maal-qabeenada ay hantidooda ku qariyaan xubno ka mid ah qoysaskooda oo hantidaas dhiga hanaanka maaliyadda Mareykanka iyo qeybo badan oo dunida ka mid ah,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay sarkaal sare oo Mareykan ah.

Cunaqabataynada lagu dhowaaqay Arbacadii waxaa sidoo kale ku jira gabadha iyo xaaska wasiirka arrimaha dibedda Ruushka Sergei Lavrov.

Mareykanka ayaa sidoo kale ka mamnuucay dadka Mareykanka inay maal-gashi ku sameystaan Ruushka, wuxuuna sidoo kale beegsaday hanaanka maaliyadda Ruushka iyo saraakiisha Kremlin-ka.

Xayiraadaha cusub ayaa la sheegay inay jawaab u yihiin waxa uu Madaxweyne Biden ku cambaareeyey inay yihiin “tacaddiyo” ka dhacay Ukraine.

Ruushka waa uu beeniyey inuu si ula kac u weeraray shacab wuxuuna sheegay in muuqaallada la baahiyey ee meydadka daadsan magaalada Bucha ee waqooyi ka xigta Kyiv ay yihiin kuwa la been abuuray si qiil looga dhigto cunaqabatayno dheeraad ah oo ka dhan ah Moscow.

Gabdhaha Putin, ee Mareykanka uu rumeysan yahay inay qarinayaan hantidiisa, weligood si shaacsan uma qirin in hoggaamiyaha Ruushka uu yahay aabahood, waxaana Putin uu diiday inuu ka jawaabo su’aalaha ku saabsan.

Xigasho/kilde: VOA Somali /RUETERS

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x