tirsdag, april 23, 2024

Booliska Oslo oo diiday in kitaabka quraanka kariimka la gubo.

Booliska Oslo ayaa diiday isku imaatin lagu gubayay kitaabka quraanka kariimka ah, kaas oo ay qorsheynayeen ururka xagjirka midigta fog ee ku caan-baxay islaam naceybka ee SIAN.

Booliska ayaa go’ aanka diidmadda ah ku saleeyay in arrintan ay ka dhalan karto rabshado waxyeeli kara degenaanshaha iyo kala dambeysta. Iyaga oo sheegay in xiliga ay dhaceyso iyo goobta ay arrintaas ka dhaceysaba ay yihiin kuwa keeni kara cawaaqib cabsi leh.

Ururka SIAN oo horey u sameeyay kulamo ay ugu yeertaan taageerayaashooda, kadibna ay ku gubaan kitaabka quraanka, ayaa jimcaha isbuucan qorsheynayay kulan ay ku dhigayeen afaafka hore ee saldhiga booliska Stovner, si ay u gubaan kitaabka quraanka kariimka.

Diidmadda booliska Oslo ayaa kusoo aadeyso xili magaalooyin kuyaal dalka Sweden ay maalmihii ugu danbeeyay ka socdeen rabshado waaweyn oo ka dhashay isku dayo lagu gubayay kitaabka quraanka. Waxaa falalkaas ku dhaawacmay dhowr boolis ah iyo toboneeyo shacab ah.

Xigasho/kilde: Politiet nekter Sian å brenne Koranen utenfor Stovner politistasjon.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
1
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x