fredag, april 19, 2024

Booliska oo xadidayo bixinta baasaboorka iyo kaarka aqoonsiga.

Sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay hey’ adda maamusha booliska Norway, waxaa bilihii ugu danbeeyay aad kor ugu kacay tirada dadka dalbanayo in loo cusbooneysiiyo baasaboorka. Taas oo cadaadis saartay booliska oo sheegay in tirada dadka soo codsaday ay aad ugu badantahay awooda shaqo iyo mida farsamo ee booliska ee ku aadan sameynta iyo bixinta baasabooradda.

Codsiyada badan ee baasaboorka ee bilihi ugu danbeeyay, ayaa sababtay inay aad u dheeraadan balamaha qofku uu ka qabsado xarumaha booliska si uu u cusbooneysiisto baasaboorka. Arrintaas oo ay boolisku sheegeen inay keentay in lasoo rogo talaabooyin, si loo xadido bixinta baasaboorka, isla markaana horutabin loogu sameeyo dadka baahida deg-dega ah u qaba helitaanka baasaboorka

Booliska ayaa dadka aan baahi deg-deg ah u qabin cusbooneysiinta baasaboorka, ineysan hada codsan baasaboorka oo ay sugaan ilaa kowda luulyo. Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ilaa inta laga gaarayo kowda(1) bisha Luulyo(7) uusan qofku isku codsan karin cusbooneysiinta baasaboorka iyo helista kaarka aqoonsiga.

War saxaafadeedka booliska ayaa waxaa kale oo kamid ah in dadka raba inay u safraan Yurub gudaheeda, ay codsan karaan kaarka aqoonsiga oo qofka uu badalka baasaboorka adeegsan karo, safaradda Yurub gudaheeda ah.

Booliska ayaa soo rogay xayiraadahan:

  • Boolisku waxey ilaa laga gaaro kowda(1) bisha Luulyo(7) qofka u ogolaanayaa inuu codsado hal dokumenti oo kali ah. Baasaboor ama Kaarka aqoonsiga( Nasjonalt ID-kort). Arrintan ayaa ka dhigan in qofku uusan labadduba hal mar isku codsan karin.
  • Booliska ayaa codsanayo in qofka heysta baasaboor ay dhicistiisu gaareyso ilaa bisha September ee sanadkan 2022, aana u safreynin dalka dibadiisa, inay sugaan codsiga baasaboorka ilaa laga gaarayo kowda(1) bisha August.
  • Booliska ayaa sidoo kale dadka u safraya Yurub gudaheeda ka codsanayo inay dalbadaan kaarka aqoonsiga oo leh xaq lanaanshaha safarka.

Xisho/kilde: Tiltak for å sikre nok pass og nasjonale ID-kort.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x