onsdag, mars 27, 2024

BOOLISKA OO KA DIGAYO FARRIIMO DHAC IYO IS DABAMARIS AH

Booliska ayaa diiwaan geliyey tiro aad u badan oo ah isku day dhac iyo is dabamaris ah, iyada oo qofku helayo farriin katimi ( namsmannem) oo ah qayb hoos timaadda booliska oo xalliya arrimaha deymanka iyo lacagaha la bixin waayo.

Sida ay boolisku sheegeen kooxo burcad ah ayaa dadka u diriyo e-mailo. Emailka ayaa waxaa la socda lifaaq kuu sii hagaaya webka Altinn oo ah isku xiraha ganacsatada, bulshada caadiga ah iyo hay’adaha dowladda

Moowduuca ama cinwaanka khaanadiisa ayaa had iyo jeer waxa ku qoran: codsigii ama weydiintii Namsmannenku waa ku diyaar ama waad ka heli kartaa bogga Altinn.

Emailada ayaa u qoran sidii ay ka yimaadeen noreply@skatteetaten.no, waana kuwo aan wax qalad ah luuqadda ah laga arkayn iyada oo aan la kala garanayn inay sax yihiin iyo inay yihiin kuwo dhac iyo shuftanimo ah ayeey boolisku sii raaciyeen.

Booliska ayaa shacabka faray in aay furin lifaaqyada (link), sidoo kalena ay la xariiraan namsmannenka haddiiba shaki galo, kahor inta aysan furin e-mailadaas.

Xigasho/kilde: Politiet advarer om epostsvindel fra «namsmannen».

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x