fredag, mars 29, 2024

Booliska Drammen: Waxaan qabanay darawal qaad cunayo.

Sida uu qoray wargeyska Drammen24, Booliska Drammen ayaa sheegay inay qabteen darawal 30-meeyo jir ah oo isaga oo baabuurka wada qaad ku dhex cunayay.

Booliska ayaa baabuurka ninkan u istaajiyay sida ay kontorool ugu sameeyaan, kahor inta aysan arkin inuu qaad cunayo.

Booliska ayaa sheegay inuu ninkan e ekaa qof qaadireysan( Qaad-sakhraansan), ayna ka qaadeen baaritaan dhiiga ah.

Ninkan ayaa qirtay arrinta ay boolisku ku eedeeyeen, wuxuuna ogolaaday in booliska ay leysinka ka qaadaan.

Arrintan ayaa ka dhacday jidka weyn ee E18.

Xigasho/kilde: Bilfører tygget khat da han ble stoppet av politiet på E18.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x