torsdag, mars 28, 2024

Booliiska ayaa ka walaacsan in qaxootiga Ukraine ay la kulmaan gabood-falo.

Booliiska dalkan Norway ayaa ka walaacsan in dadka xadgudubyadda galmadda ah geysta, ay ka faa’ideystaan carruurta iyo haweenka nugul ee qoxooti ahaanta imaanaya Norway.

Booliisku waxay ka warqabaan in dadka hore loogu eedeyey ku xadgudub-galmeed ka dhan carruurta, ay qayb ka yihiin shaqooyinka tabarucaadka ah ee la xiriira daabulka iyo soo dhaweynta qaxootiga Ukraine.


“Arrintaan il gaar ah ayaan ku fiirineynaa, sidaas awgeed waxaanu kordhinay dareenkayaga walaac ah, waxaana si firfircoon uga shaqaynayn doonaa talaabooyinka aan qaadi doono, anagoo kaashanayna hay’adaha kale” ayay tidhi taliyaha boolisa Benedicte Bjørnland.


Shaqada la xiriirta ka hortagista fal danbiyeed loo geysto qoxootiga Ukraine ayaa laga bilaabay guud ahaan hay’addaha, si ay awood ugu yeeshaan inay ka hortagaan oo ay ogaadaan kiisaska xadgudubka ka dhanka ah carruurta iyo qaxootiga guud ahaan.


“Degmooyinka waa in ay il gaara ku fiiriyaan meelaha ay xadgudubyaddu ka suurto gali karaan. dhamaanteyo waa in aan cududeena mideena oo isla wada shaqaynaa” ayee tidhi Bjørnland.


Dhanka kale, shaqada booliska ee ku aadan diiwaan gelinta qaxootiga waxay hubinaysaa daryeelka iyo dabagalka qaxootiga xuquuqdooda iyo baahidooda inta ay Norway joogaan. Haddii la ogaado in qof lagu xad-gudbay, booliisku waxa uu horey u sameeyeen nidaam si fiican u habaysan oo ay wax uga qabtaan arrintan.


Booliska ayaa sidoo kale sheegay inay kordhiyeen wacyi galinta quseysa dembiyada shaqada ee suuqa madow oo laga yaabo inay ka dhacaan Norway. Dembiyada la xariira shaqada waxaa la socda Økokrim oo kaashanaysa booliska degmooyinka, waxaana socda baaritaanno aqoon ku saleysan kuwaas oo ay iska kaashanayan hay’adaha iyo xarumaha dambiyada qaabilsan.

Marxaladda hadda jirta, waa wax iska caadi ah in boolisku uu ilgaar ah kula socdo wershadaha iyo shirkadaha laga yaabo inay u janjeeraan ka faa’iidaysiga dadka qaxootiga ah.
“Warshadaha xoogga badan sida nadaafadda, beeraha iyo maqaayadaha ayaa ka mid ah warshadaha uu bilaysku si gaar ah isha ugu hayo”, ayee tidhi Bjørnland.

Xigasho/kilde: Politiet bekymret for at ukrainske flyktninger kan bli utsatt for kriminalitet.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x