torsdag, mars 28, 2024

90 mar ayuu qaatay irbadda talaalka corona: Si uu iibiyo warqada cadeynta talaalka.

Nin 60 jir ah ayaa oo u dhashay dalka Germany ayaa ku eedeysan inuu 90 mar isku diray talaalka corona, si ka iibiyay baasabooro ( cadayn) corona oo been abuur ah. Macluumadka ku xusan caydamaha been abuurka ah ee uu ninkan dadka ka iibinayay ayaa ah kuwiida saxda ahaa oo loo diiwaangaliyay, marka uu qaato talaal walba.

Ninkan ayaa warqaddaha corona ka iibiyay dad aan rabin in ay iyagu qaataan tallaalka corona. Ninkan oo u dhashay magaalada Magdeburg ee dalka Germalka ayaa la sheegay in uu ilaa 90 tallaal ka qaatay xarun dhacda bariga gobolka Saxony.

Suuqa madow ee tallaalka:
Ujeeddada uu dhammaan u qaatey talaalladaas gaaraya 90-ka, ayaa ahaa in uu doonayey shahaado (cadeymo) uu ka sii ibiyo dadka aan rabin in la tallaalo. Jarmalka ayaa waxaa so foodsaarey heerar caabuq oo sarreeya toddobaadyadii la soo dhaafay. Sidaa darteed, waxay dowladda germalku soo rogtay shuruudo ay ka mid yihiin kaadhka cadeynta tallaalka, si shaqsigu fursad ugu helo isticmaalka goobaha ay kamid yihiin makhaayadaha, meelaha lagu caweeyo iyo meelaha kale ee bulshadu ku kulmaan.

Booliiska Jarmalka ayaa muddo dhowr bilood ah sameeyay howlgallo badan oo la xiriira been abuurka baasaboorka tallaalka. Kiiskan ayaa waxaa ka hadlay dhowr warbaahin oo dibadda ah. Tallaaladan badan ee corona-ha ayaan ilaa hadda wax saamayn ah oo muuqata ku yeelan xaaladda caafimaad ee ninka, sida ay sheegeen boolisku.


Wargeyska The Guardian ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa sheegay in 60-jirkan aan xabsiga xiligan lagu hayn, balse uu ku socdo baaritaan la xiriira ka ganacsiga dukumentiyo been-abuur ah. Baaritaanka kiiska ninkan qaadatay bilo kahor intaan la qaban, kadib markii uu ka soo muuqday isla xarun tallaal laba maalmood oo isku xigta. Markaas ayaa booliisku soo dhexgalay howsha uu wadey ayaga oo fureen kiis ka dhan ah.

Xigasho/kilde: Tysk mann tok 90 doser koronavaksine.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x