fredag, april 26, 2024

7 xaaladood oo Nooc cusub (XE) oo korona ah oo lagu arkay Norway.

Nooc cusub oo Korona ah oo horey loogu arkay dalka Ingiriiska, ayaa hada lagu arkay Norway, sida ay xaqiijiyeen hey´addaha caafimaadka Norway. Noocan cusub ayaa waxaa loo bixiyey XE.

Machadka Caafimaadka Bulshada Norway ee FHI ayaa ku qoray warbixintiisii todobaadka in Norway laga helay 7 xaaladood oo noocan cusub ah. Madaxa machadka caafimaadka Camilla Stoltenberg ayaa sheegtay in tilmaamaha noocan cusbi aanu ka khatar badnayn nooca Omikronka.

Ilaa iyo hadda nooma muuqdo wah halis ah oo weyn oo noocan uu wato, mana imaan digniin sheegaysa inuu khatar yahay ayey Camilla u sheegtay warbaahinta ABC nyheter.

Hay,adda caafimaadka adduunka (WHO) ayaa sheegtaytay in noocan cusubi yahay isku dhaf laba nooc oo Omikron ah oo lakala yiraahdo BA1& BA2, waxayna raaciyeen in markii u horreysay laga helay ingiriiska dhammaadkii bishii jannaayo ee sannadkan.

Xigasho/kilde: Sju tilfeller av XE-varianten påvist i Norge.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x