torsdag, april 25, 2024

Daawo Wareysi: Soomaalida oo cunsurinimo iyo dhibaatooyin kaleba kula kulantay xuduudaha Ukraine

Sida uu warbaahinta NorSom TV u xaqiijiyay gudoomiyaha jaaliyada soomaaliyeed ee Poland, Cilmi Cabdi dad badan oo soomaali ah ayaa faquuqis iyo dhibaatooyin kale kula kulmay xuduudaha dalka Ukraine.

Arrinta ugu dhibta badan ee uu gudoomiyuhu u sheegay NorSom TV ayaa ah in dad badan oo soomaali ah la siiyay warbixin qalad ah oo ku saabsan inay qariyaan ama iska tuuraan waraaqaha aqoonsiga iyo baasabooradda, iyaga oo ka cabsi qabo in Soomaaliya lagu celiyo. Balse ay arrintaas keento in qofka lagu istaajiyo xuduudka, loona diido inuu soo gudbo, maadaama aan aqoonsigiisa la ogeyn. Sidoo kalena ay dhici karto in qofka la geeyo xero qoxooti oo bilo ku xirnaado intii dalalka kale ee Yurub loo gudbin lahaa.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x