onsdag, april 24, 2024

Daawo: Muslimiinta Norway oo ku heshiiyay inay mideeyaan xiliyadda salaadaha: Ururka IRN oo howshaas kasoo shaqeeyay.

Kulan uu soo qaban qaabiyey ururka golaha islaamka Norway ( IRN) ah gole ay Ku midaysan yihiin inta badan masaajidada iyo goobaha cibaadada ee dalka Norway ka dhisan ayaa isbuucan soo bandhigay jadwal salaadeed mid ah oo loogu talagalay in lagu mideeyo xiliyadda salaadaha dalkan Norway.

Jadwalka oo mudo sanad iyo bar ah ay kasoo shaqaynayeeen gudi isku dhaf ah oo xarumo badan ka socdo, ayaa soo maray heerar kala duwan, wuxuuna gudigaas qeyb ka ahaa dad kala duwan oo leh aqoonta kala duwan ee diiniga iyo maadiga, sida lagu soo bandhigay goobta kulanka.

Waxaa horey dhibaatooyin iyo is waafaq la´aan ay ka dhex jirtay xiliyada salaadaha masaajidada kala duwan ee dalka Norway. Iyadoo masaajid walba ama goob walba oo cibaado uu si iskiis u raadsan jirtay wixi xal ay u aragto. Iyo inay fadwo ka raadsadaaan hadba dalka ay kasoo jeedaan culumadooda.

Warbaahinta NorSom TV ayaa warbixintan hoose ka diyaarisay kulankaas, waxaana ku wareysanay masuuliyiintii kulankaas joogay, culimada Soomaalida Norway iyo qaar kamid ah madaxda masaajidda ay soomaalidu maamusho ee ka dhisan magaalooyinka waaweyn ee Norway.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x