torsdag, mars 28, 2024

UDI: Si ay qoyskooda Norway u keenaan, ayay qaabkan khiyaanadda ah mushaarkooda u kordhiyaan.

Dowlada Norway ayaa sanado kahor soo rogtay shuruud la xiriirto, in qofka raba inuu xubin/xubno katirsan qoyskiisa uu qaab dacwo ah ku keeno Norway, looga baahanyahay inuu sanadkii shaqeeyo(dakhli ahaan usoo gasho) lacag gaareyso 287.278 kr.

Sida uu qoray Tv-ga qaranka Norway ee NRK, hey´addaha qoxootiga ee UDI-da iyo UNE ayaa sheegay inay fashiliyeen kiisaska dad rabay inay qaab khiyaano ah kor ugu qaadaan dakhliga soo gala sanadkii, si ay u buuxiyaan shardiga dhaqaale ee lagu xiro qofka raba inuu qoyskiisa uga dacwoodo Norway,

UNE iyo UDI ayaa sheegay inay arkeen kiisas dhowr ah oo dad ay qaab farsamo-khiyaano ah kor ugu qaadeen dakhliga soo gala sanadkii, kuwo kalena ay isku qoreen(lagu qoray) shaqooyin aysan dhab ahaantii ugu shaqeyn, balse uu kasoo galo mushaar loo gudbiyo hey´addaha canshuuraha.

Mid kamid ah kiisaska ay UNE soo bandhigtay ayaa ah nin rabay inuu u dacwoodo xaaskiisa, si uu Norway u keeno. Waxaana waraaqda cadeynta dhaq-dhaqaaqa xisaabta bangiga( Kontoutskrift) lagu arkay in ninkan uu mushaar kasoo galo shirkad-qofeed oo uusan horey uga shaqeyn jirin. Arinta shakiga keentay ayaa ah in ninkan uu isla lacagtii kasoo gashay ninkaas, uu dib ugu celib jiray, marka ay kusoo dhacdo xisaabtiisa bankiga. UNE ayaa aaminsan in lacagta ninkaas soo gashay, aysan aheyn mushaar dhab ah, balse uu ahaa lacag khiyaano oo uu rabay inuu kor ugu qaado mushaarkiisa, si xaaskiisa uu u keeno Norway.

Kiis kale oo UNE sheegtay ayaa ah in haweenay rabtay inay ninkeeda u dacwooto ayaa bilo kahor inta kiiskaas uusan bilaaban waxaa kordhay mushaarka soo gala, balse bil walba lacag badan ayay ka bixin jirtay kaarkeeda bangiga. UNE ayaa aaminsan in lacagtaas ay aheyd mid dib loogu celinayo qofkii kusoo shubay koontada bankiga.

Kiis sadexaad(3) oo ay UNE soo bandhigtay ayaa ah haweenay uur leh oo sameysatay shirkad ganacsi, xili ay u dacwooneysay ninkeeda oo dalka dibadiisa ku sugan. Haweeneydan ayaa wareysi lala yeeshay ku sheegtay inaysan xog ka badan ka heynin shirkada ay sameysatay. Aysana ogeyn dakhliga soo galay ama ka baxay. UNE ayaa aaminsan in haweeneydaas ay shirkadaas u abuuratay, si ay u dhex marsiiso lacag loo ekeysiinayo mushaar rasmi ah, si haweenaydaas loogu ogolaadi inay ninkeeda keento Norway.

Dad aan horey xiriir fiican ula laheyn suuqa shaqada:

Ingvild Solberg oo katirsan hey´adda UNE ayaa NRK u sheegtay in dadka ugu badan ee arrimahan khiyaanadda ah lagu eedeeyo, ay yihiin dad aan horey xiriir fiican ula laheyn suuqa shaqada. Waxeyna raacisay in arrin ay inta badan kiisaskaas wadaagaan ay tahay in qofku uu shaqo bilaabo, waxyar kahor inta uusan xareyn kiiska dacwadda qoyska. Qofka shaqada siinayana uu yahay qof katirsan qoyskiisa ama qaraabadiisa kale ee dhow. Waxey kale oo raacisay in mushaarka soo galaya qofka uu yahay wax lagu jaangooyay oo loogu talagalay inuu buuxiyo shardiga dhaqaale ee hey´adda UDI-da ku xirtay qofka dacwadda xareynaya.

Arrin kale oo sheegtay Ingvild Solberg ayaa in dadkaas ay helaan boosas shaqo oo aysan aqoonteed iyo xirfadeed laheyn. Sida in qofka lagu qoro booska madaxa shirkadda oo uusan aqoonteeda ama khibradeed laheyn.

UNE ayaa dhanka kale sheegtay in arrin kale oo tusaale u ah kiisaska ay tahay in mushaarka qofka uu aad sarre ugu kaco bilaha ugu danbeeya ee sanadka. Taas oo ah arrin dhalin karta shaki ka abuurmo meesha uu mushaarkaas ka imaaday.

UNE iyo UDI ayaa aaminsan in suuqyadda ugu badan ee arrimahan ay inta badan ka dhacaan ay yihiin shirkaddaha ka shaqeeyo: Maqaaxiyaha cuntadda, kuwa shaaxa, dukaamadda, shirkaddaha dhaqmada iyo kuwa dhismaha.

Xigasho/kilde: Slik jukses det med familieinnvandring

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x