onsdag, april 24, 2024

UDI: Dad ka badan 18.000 qof british ah(UK) oo sharciga dal ku jooga ka codsaday Norway.

Wixii ka danbeeyay markii dalka Ingiriisku uu ka baxay midowga Yurub iyo heshiiska dhaqaalaha ee EØS, waxaa meesha ka baxay xuquuqdii ay muwaadiniinta heysta dhalashada UK ku lahaayeen dalalka EU-da iyo kuwa EU-da la galay heshiiska dhaqaale ee EØS( Norway+).

Dowladaha UK iyo Norway ayaa sanad kahor ku heshiiyay in mudo hal sano ah oo ku meel gaar ah ay muwaadiniinta British-ka ah ee Norway kunool, ama kuwa Norwiijiga ah ee UK kunool uusan wax saameyn ah ku yeelan ka bixitaanka UK. Mudadaas kumeel gaarka ah aheyd ayaa ku ekeyd kowdii(1) bishan January ee sanadkan 2022.

Waxaa wixii markaas ka danbeeyay muwaadiniinta British-ka ah ee Norway kunool qabanayo xeerarka qabta muwaadiniinta kale ee ka imaada dalalka kale ee caalamka, ee aan heshiiska gaarka ah kula jirin Norway. Arrintaa ayaa sida uu qoray wargeyska Dagens Næringsliv, waxey wel-wel badan galisay muwaadiniinta UK u dhashay ee kunool Norway iyo qoysaskooda.

Waxaa dhamaadka sanadkii tagay ee 2021 soo codsaday sharciga dal kujooga Norway, iyo kaarka oppholdskort dad gaaraya 18.233 oo UK u dhashay, sida ay sheegtay hey’ adda socdaalka iyo ajaaniibta ee UDI. Waxaa sidoo kale jira dad kale oo dalkaas u dhashay, kuwaas oo balan ka qabsaday xarumaha booliska, si ay u xareeyaan codsiga ogolaanshaha dal kujooga Norway.

UDI-da ayaa dhanka kale sheegtay in dhamaan dadka u dhashay UK ee codsaday sharciga dal ku jooga Norway, ay sii joogi karaan Norway, inta laga soo jawaabayo codsigooda sharciga.

Hey’ adda ajaaniibta ayaa sidoo kale sheegtay in ilaa hada ay ka shaqeeyeen codsiyadda 11.652 oo dadkaas kamid ah, aysana jirin qof UK u dhashay oo loo diiday joogitaanka Norway. Marka laga reebo dad aan soo wada gudbin dhamaan waraaqihii looga baahnaa inay soo xareeyaan.

Xigasho/kilde: UDI: Over 18.000 briter i Norge har søkt om å få bli.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x