tirsdag, april 23, 2024

U.K: Wasiiradd hore oo sheegtay inay xilkeeda ku weysay ‘Muslimnimo’.

Nusrat Ghani oo 49 jir ah, horeyna u aheyd wasiiradii gadiidka ayaa laga qaaday xilka wasiirka gaadiidka sanaddii 2020. Waxayna wareysi ay siisay wargeyska Sunday Times ku sheegtay in loo sheegay “in Muslimnimadeeda ay noqotay arrin walaac laga muujiyey,” intii uu socday kulan ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha ee Downing Street. Sababtaasna ay ku weyday xilkeedii wasiirnimo.

Waxaa sidoo kale loo sheegay “in ahaanshaha wasiir Muslim oo haween ah ay saaxiibadeeda kale ka dhigtay kuwa ku dhib qaba,” ayey sheegtay.

Madaxa abaabulka xildhibaanada Mark Spencer, oo shaqadiisa ay tahay in xildhibaanada uu ku hayo ajendaha dowladda, ayaa qaaday tallaabo aan caadi aheyn isaga oo sheegay inuu yahay qofka la sheegay inuu hadalladaas ku yiri Nusrat, wuxuuna beeniyey eedeymahaas.

“Eedeymahan waa been gebi ahaanba, waxaana u arkaa inay yihiin meel ka dhac,” ayuu ku qoray twitter-ka.

“Marnaba ma aan adeegsan hadalladaas la ii tiriyey. Waa niyadjab in markii arrintan ay horey usoo baxday ay Ms Ghani diiday inay kala hadasho xisbiga Conservative-ka si baaritaan rasmi ah ah loogu sameeyo,” ayuu yiri Spencer.

Xildhibaanada abaabulka u qaabilsan dowladda ayaa wajahaya eedeymo kale, kadib markii xildhibaan William Wragg uu ku eedeeyey “inay baqe-maaleen” (Blackmail) xildhibaanada dhaliila ra’iisul wasaare Boris Johnson si ay uga hortagaan inay xilka ka tuuraan.

Xafiiska ra’iisul wasaare Boris Johnson ayaa sheegay inuu ka war hayey arrinta ay sheegtay Nusrat xilligaas, ayna ku casuumeen inay ashtako rasmi ah soo gudbiso.

Wasiirka tallaalka Nadhim Zahawi ayaa dalbatay baaritaan.

“Islaam naceybka iyo nooc kasta oo cunsurinimo ah meelna ugama banaana xisbiga Conservative-ka,” ayey Zahawi soo dhigtay twitter, ayada oo Nusrat ugu yeertay “saaxiib, shaqo wadaag iyo xildhibaan maskax badan.”

“Tani waa in si wanaagsan loo baaraa, oo cunsurinimada xididda loo siibaa.”


Wasiirka Cadaaladda Dominic Raab ayaa arrintan ku qeexay “eedeyn halis ah,” hase yeeshee wuxuu BBC-da u sheegay in la baari doono kaliya haddii Nusrat ay soo gudbiso ashtako rasmi ah.

Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa amray in baaritaan lagu sameeyo hadalka haweenay wasiir hore ka ahayd xukuumaddiisa oo sheegtay in Muslinnimadeeda darteed looga qaaday xilkii wasiirnimada.

Xigasho/VOA/AF

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x