torsdag, april 25, 2024

Trondheim: Tuugo xaday kaamiro daaran oo wali shaqeyneyso oo boolisku ay qabteen.

Booliska magaalada Trondheim ee dalkan Norway ayaa sheegay inay qabteen labo(2) nin oo tuugo ah oo isku deyday inay guri ka xadaan alaabo ay kujirto kaamiro wali daaran oo wax duubeyso. Booliska ayaa sheegay inay fariin ka heleen mid kamid ah shirkaddaha waardiyaha guryaha, kadib markii ay ka arkayn kaamirada guryaha lagu ilaaliyo, tuugo jabsanayso guri ku yaal jidka Klæbuveien ee magaaladda Trondheim.

Marka hore waxay isku dayeen inay daboolaan kaamirada oo ay u maleynayeen inay dansantahaya ama ay duubitaanka joojisay. Ilaalada ayaa sheegay in ay ka war heleen in wax lagu dadey kaamirada. Markii aanu gaadhnay goobta oo aanu gacanta ku soo dhignay dambiilayashan, ayaa waxa noo soo aragney in kaamiradu boorso ku jirto, ayay sheegeen boolisku.

Kaamirada ay kooxdan isku dayeen inay xadaan ayaa waxa ay ahayd nooca aan filooyinka ku shaqeyn ee “ wireless” ah. Taas oo suurto galisey in duubitaanka aysan joojin, xitaa marka ay tuugadan war mooga ah ay boorsadda gashadeen, iyada oo xiligaas wali wada duubitaanka, gudbineysana xogta meesha ay markaas joogaan(Position).

Booliska ayaa sheegay in kaamiradaas ay sahashay in danbiilayashan la qabto iyaga oo ku howlan isku deyga jabitaanka guriga ay xadayeen.

Marka laga tago alaabaha ay gurigan ka dhici rabeen, Labadan nin ayaa laga helay dhowr shay oo boolisku ka shakisan yahay inaysan ayaggu lahayn, laakiin boolisk faahfaahin dheeraad ah kama bixin arintaas.


Booliska ayaa dhanka kale sheegay inay labaddan nin ee la qabtay ay yihiin dad ay horey aqoon ugu lahaayeen.

Xigasho/kilde: Tyver pågrepet med overvåkingskamera som fortsatt var påskrudd.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x