torsdag, mars 28, 2024

Sweden oo joojisay shardigii baaritaanka corona ee jahwareerka dhaliyay.

Dowlada Iswiidhan ayaa joojisey shuruudihii muranka dhaliyay ee baaritaanka caabuqa (Covid-19), kaas oo ay kusoo rogtay dadka safarka ku imaanaya Iswiidhan. Joojinta ayaa waxa ay dhaqangalaysa laga bilaabo 21-ka bishan Janaayo. Dadka safarka ah ee ka socda EU / EEA iyo wadamada Waqooyiga Yurub waa inay taa beddelkeeda soo bandhigaan baasaboorka corona, marka ay galayaan xuduudaha dalkaas.

Dowladda Sweden ayaa warsaxaafadeed ay arrintan ku shaacisay ku sheegta in ilaa 20-ka bishan Janaayo, dhammaan dadka safarka ah ee Iswiidhan imaanayo inay haystaan cadayn baaritaaneed, iyada oo aan loo eegin in qofku uu talaalka qaatay iyo inkale. Baaritaanka a ayaa waxa waajib ah in la sameeyey ugu badnaan 48 saac kahor inta uusan qofku imaan xuduudka Sweden.

Shardigan ayaa isbuucyadii ugu danbeeyay jaxwareer tiro badan, maadaama xuduudka dalka Sweden laga soo celiyay boqolaal qof oo rabay inay u safraan ama dhexmaraan dalka Sweden, iyaga oo usii socdo dalalka kale ee Yurub.

Arrintaas waxaa lagu sameeyay isbadal, sida ay sheegtay dowladda Sweden. Laga bilaabo 21-ka Janaayo, dadka raba in ay u safraan Iswiidhan wadamada EU/EEA ama wadamada Waqooyiga Yurub waa in ay awoodaan in ay muujiyaan baasaboorka corona ee Midowga Yurub, ayaa lagu sheegay fariin qoraal ah oo kasoo baxday dowlada Sweden.

Shuruudahan ayaa quseeya muwaadiniinta ajnabiga ah ee ka weyn da’da 18, marka laga reebo qaar ka mid ah. Kuwa aan haysan baasaboorka corona waa inay awoodaan inay leeyihiin cadayn baaritaaneed, taas oo la sameeyey 72 saacadood ka hor inta aysan imaanin, ama ay caddeeyaan inay ka soo kabteen cudurka corona lixdii bilood ee la soo dhaafay.

Xigasho/kilde: Sverige fjerner testkrav fra 21. januar.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x