torsdag, april 25, 2024

Sirdoonka Norway oo lagu eedeeyay inay si sharci daro ah u uruuriyeen xogta rakaabka diyaaraddaha

Bishii Disembar ee sanadkii 2019, waxaa la ogaaday in hey’adda sirdoonka Norway ee PST ay la socoto duullimaadyada taga ama ka imaanaya Norway, iyada oo uruurin jirtay xogta liisaska rakaabka dhowr shirkadood oo diyaaradeed. Kiiskaan ayaa waxa lagu wargeliyay unuga qaabilsan danbiyadda ka dhaca laamaha amaanka, maadaama arrinta ay PST-du sameysay lagu tilmaamay mid sharci daro ah oo ka baxsan sharciga Norway.

Guddiga dabagalka baarlamaanka Norway oo ku shaqo leh arimaha sirdoonka, ilaalinta iyo adeegyada amniga (Guddiga EOS) ayaa dhaleeceeyay PST. Guddigu ayaa eedeeyay PST-, waxa ayna Farta ku fiiqeen in arrinta ay sameeyeen ay aheyd ahaa sharci-darro.

Hey’ adda sirdoonka oo eedaas iska difaaceyso ayaa dhankeeda ku Andacootay inay sameeyeen baaritaano ku salaynsan sugidda amniga Norway, arrintaas ay aheyd mid kooban, sida uu wargeyska Aftenposten.

kiiskan oo baaritaan lagu sameeeyay ayaa la laalay dhamaadkii bishii Janaayo ee sanadkii hore. Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Norway ayaase mar kale amar ku bixiyey in baaritaan cusub la sameeyo arrinta PST-da lagu eedeeyay.

Jawaabta baaritaanka labaad ayaa noqotay in PST aan loo ogolayn inay uruuriso xogta rakaabka muwaadiniinta Norway.

Inkastoo xeer jabinta PST-du ay ahayd mid halis ah, waxay ka baxsatay ciqaab kaso wajihi kartay falka ka dhacay. hada PST way soo afjartay dhaqankii hore, waxayna samaysay hab-baaris ka wanaagsan kii hore, sida lagu sheegay natiijadda baaritaanka cusub.

Hey’ adda baaritaanadda gaarka ah ee booliska ayaa sheegaya in PST-du ay ku andacooneyso in sugitaanka ammaanku uu ku jirey xaalad cakiran oo uu baahneed la falgal degdeg ah. Khatarta argagixisanimada ayaa u saamixi waydey wado kale oo ay amniga ku sugaan.

Arinkaan waxa ku gacan seyray Xafiiska baaritaanka aan aqbalin sharaxaada PST-da. Waxa ay kaloo qoreen inay qireen in PST ay ku jirtay xaalad adag. Si kastaba ha ahaatee xaqiiqda ayaa ah in PST ay dhaqanka dhowr sano wadey.

Xigasho/kilde: Spesialenheten mener PST brukte ulovlig overvåkingsmetode.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x