torsdag, april 18, 2024

Reer Oslo oo laga codsaday inay dhaqaaleystaan biyaha.

Degmadda Oslo ayaa dadka kunool magaalada ka codsanayo inay dhaqaaleeyaan biyaha la cabo. Fariin kasoo baxday degmadda ayaa lagu sheegay:

«Roob iyo baraf midna kama di’in meelaha ay Oslo kasoo qaadato biyaha la cabbo, muddo dheer. Intaa waxaa sii dheer, biyaha ayaa laga xirey meelaha qaar si loogu sameeyo dayactir haamaha biyaha . Sidaas darteed, waxey Degmadu wdadka Oslo ka codsanaysaa inay biyo kaydsadaan.»


Kaydadka biyaha ayaa hadda waxa uu marayaan heer aad u hooseeya. Waa inaan ka codsanaa bulshada ku nool Oslo inay ka taxadaraan isla markaasna dhaqaaleeyaan isticmaalka biyaha si looga fogaado biyo yaraan, ayay tiri Anna Maria Aursund oo fariin u dirtay saxaafadda. Anna maareeyaha wakaalada biyaha iyo bulaacada ee Oslo.

Degmadu waxay dadka ka codsanaysaa inay qubays gaaban qaataan, Xiraana tuubada biyaha marka ay cadayanayaan. Dadku sidoo kale waa inay kun isticmaalaan «Øko program» mashinka dhaqa weelka, programkaas ayaa waxa uu suurto galinaya inuu dhaqaaleeyo isitcmaalka waxyaabo ay ka mid yihiin biyuhu. Dadku sido kale Marka ay dharka dhaqayaan aya waxa laga codsanayaa in ay mashinka dharka lagu dhaqo buuxiyaan.

«Maamulka Biyaha iyo Bulaacadaha ayaa bilaabay tallaabooyin lagu xaqiijinayo in degmaddu hesho biyo badan oo ku filan, ayago isla markaas isku dayaya in ay biyo kasoo qaataan haanta biyaha ee degmooyinka Bærum iyo Nedre Romerike.
Waxay sheegayaan sido kale in tixgelin gaar ah siin doonaan qaadidda tallaabooyin kale haddii uu jiri waayo baraf ama roob badan jiilaalkan.»

«- In aan maanta la tacaaleyno dhaqaaleynta biyaha waxay mar kale muujinaysaa sida aan ugu nugul nahay iney nagu timaado xalad biyo la’aaneed. waxa tani sido kale muujinaysa sida ay muhiim noogu tahay dhismaha biyo xireenka Holsfjorden, ayuu yidhi Aursund.»

«- Degmada Oslo waxay ugu horayn ka heshaa biyaha Maridalsvannet iyo webiyada iyo harooyinka dhulka ku xiran. Mid ka mid ah kuwaasi waa Gjerdingen. Gjerdingen hadda waa la xirey si loo hagaajiyo biyo-xidheenka.

Waa muhiimad qaas ah inoo leh inaa helno roob iyo baraf nagu filan, kuwaaso naga caabinaya biyo la’aan dhacda inta lagu jiro guga iyo xagaaga.» ayay sheegeen maamulka Oslo.

Xigasho/kilde:Ber folk i Oslo spare på vannet.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x