torsdag, mars 28, 2024

R.W hore ee Norway oo qirtay inuu lacag ku qaatay amaanta dal kale iyo madaxweynihiisa.

Raiisal Wasaarihii hore ee dalkan Norway Kjell Magne Bondevik ayaa lacag lagu siiyey inuu ka qayb qaato xafladda sannad guuradii 30.aad ee xoriyadda dalka dhaca Aasia ee Kaasaakhistaan, iyo inuu maqaal amaan ah ka qoro dalkaas. Maqaalkaas ayuu Bondevik sidoo kale ku amaanay Madaxweynihii hore ee dalkaas Nursultan Nazarbajev, sida ay qortay Vårt Land oo maqaalka faafisay.

Sida uu wargeysku qoray, Bondevik ayaa sidoo kale ka qayb qaatay munaasabad ay safaaradda Kaasaakhistaan ee Norway qabatay oo lagu xusayey 30 sano ka hor markii dalku uu xoriyaddiisa qaatay. Munaasabaddaas ayaa lagu qabtay qaab fogaan arag ah( webinar).

Kjell Magne Bondevik ayaa horey reysulwasaare Norway uga soo noqday labo(2) mar oo kala duwan, oo kala ah 1997-2000 iyo 2001 ilaa 2005.

Bondevik ayaa ka jawaabaya arrintaa ayaa sheegay: Maqaalka ayaa ka mid ahaa howl la ii xilsaaray sidoo kale webinarka ayaa qayb ka ahaa, waxaana la igu siiyay sharfid caadi ah. Aniga waxaa ii shardi ah inaan qoro, sheegona waxa aan doono, mana jiraan waxa mabaadii ah oo lagu jiheeyo oo waxa aan soo bandhigayo, ayuu Bondevik u sheegay joornaalka.

Maqaalka uu Bondevik qoray ee amaanta ahaa ayaa loo isticmaalay xayaysiis ahaan, markii safaaradda Kaasaaskhistaan ee Norway ay dayrtii hore samaysay, majallad(Magazin) lagu xusayo dalka iyo madaxdiisa hore, taas oo qeyb ah dabaaldegga 30-sano guuradii kasoo wareegtay madax banaanida dalkaas.

Bondevik ayaa sheegay inuu ka shallaayay inuu haa yiri in maqaalkii uu qoray lagu isticmaalo qaab buun-buunin ah oo lagu soo bandhigay magazinka ay safaaraddu sameysay.

Mar dambe ayaa la ii sheegay in la rabay in maqaalka jariidadda lagu daro xayaysiis. Taa kamaan dhiidhiyin, markaa inaanse sameeyo ayay ahayd, waayo waa nasiib darro isku lifaaqan Xorriyatul qowl iyo xayaysiis.

Bondevik oo katirsanaa xisbiga Krf ayaa sheegay in arrinta danbe ee xayeysiinta ah aan lagu siin wax lacag ah oo dheeri ah..

Xigasho/kilde: Bondevik bekrefter å ha fått betalt for rosende kronikk om Kasakhstan.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x