lørdag, april 20, 2024

Norway oo sheegtay in qoxootiga lagu celin karo Afganistaanta ay Taalibaan xooga ku qabsatay.

Waxaa isbuucan dalka Norway ku sugnaa wafdi ka socdo ururka Taalibaan, kuwaas oo dowlada Norway iyo wufuud ka socdo dalalka kale ee reer Galbeedka kala hadlayay xaaladda dalka Afgaanistaan oo ay iyagu xiligan maamulaan. Warbixinada laga helayo dalka Afgaanistaan ayaa sheegayo in dalkaas ay xiligan ku suganyihiin ilaa hal Milyan qof kuwaas oo qarka u saaran inay gaajo u dhintaan.

Utlendingsnemda (UNE) oo ah Golaha Rafcaanka arrimaha soo galootiga oo xiligan gacanta ku heysa kiisaska dad u dhashay dalka Afghanistaan oo horey diidmo u helay, balse kiisaskooda la hakiyay xaaladda kusoo korortay dalkaas, ayaa sheegtay in dadka diidmadda ah kama dambeysta ah ka heysto codsiyada magangalyada ee kasoo jeedo dalka Afgaanistaan dib loogu celin karo dalkaas oo ay hada si buuxdo u maamulaan ururka Taalibaan.

Ururka Redd barn oo ah urur u ololeeya xaquuqda carruurta iyo xisbiga SV ayaa arrintaa ka fal celiyey. Redd Barn si adag ayey uga falcelinaysaa in kiisaska Afghaanta dib loogu celiyo Afgaanistaan, ayeey tiri Camila Scharffscher Engeset oo ka tirsan Redd Barn. Waxaan filaynaa inaan carruurta ugu yaraan aan dib loogu celin Afghanistan, inta xaaladdu sidan tahay.

Hadda ayaan dad ka soo qaadnay Afghanistan waayo xaaladdu waa mid halis ku ah nolosha aanna deganayn. Dadka dib uma celinayno ayeey tiri Grete Wold oo ka tirsan ururka SV.

Xigasho: klartale

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x