fredag, april 19, 2024

Muran ka dhashay nin horey falal dhac ah geystay oo lagu casuumay inuu falan-qeeye noqdo.

Waxaa isbuucan buuq badan oo dhanka warbaahinta ah iyo baraha bulshada uu ka taagnaa nin horey loogu xukumay inuu dhac u geystay shirkadda Nokas, kaas oo falanqeeye ahaan loogu casuumay barnaamij ka baxa muuqaal baahiyaha TV2 oo ku saabsan ciyaarta Chess-ta.

Shirkadda Intrum oo ah shirkad ururisa daymaha(innkassoselskap) ayaa taageeradii kala laabatay TV2, ka dib markii David Toska oo horay loogu xukumay dhac uu ugeystay shirkadda Nokas oo ah shirkad lacagaha kaashka ah gaarsiisa shirkadaha iyo bangiyada uu kasoo muuqday barnaamij ciyaarta Chessta ama shaxda isaga oo markaa khabiir ahaan ku soo muuqday.


Isticmaalka David Toska oo horay fal dembiyeed loogu xukunay waxay keenaysaa in barnaamijku ku xirmo qadiyad aad u khatar ahayd oo dad badan ku soo kicinaysa xasuus aad xun. Waan fahmaynaa in si kala duwan loo arko in Toska laga siiyo Tvga doorkan oo kale, laakiin waxa ay dabada ku wadato ayaa keenaya in aannaan doonayn in magaca Intrums lagu daro barnaamibyada Chesta ama Shaxda, ayuu fariin sms ah oo uu udiray Wargetska Dagbaladet ku qoray Bunny Nooryani oo ah madaxa suuq geynga iyo xiriirka Intrum.


Isla Dagbladet ayuu madaxa ciyaaraha TV2 Vagard Jansen Hagen u sheegay in falcelinta ka timi arrintana aanay dib u eegis ku samaynayn mowqifkooda oo ah mid tafatir waana ku gaagnaanaynaa.


3 sano iyo bar ka dib markii David Toska uu ka soo baxay jeelka isagoo xor ah ayuu khabiir ahaan uga soo muuqan doonaa Studiaha Chesta ee TV2.

Teska waxaa aad loogu yaqaan doorkii uu ku lahaa ee ahaa ragga ugu horreeya ee dhacii loo geystay Nokas 2007 looguna xukumay 20 sanoo xabsi ah dhacaas iyo arrimo kale.

Xigasho/kilde: Sponsor trekker seg etter Toska-nyhet

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x