fredag, mars 29, 2024

Maxkamad: Ninkeedii ayay magaciisa deyn ku qaadatay, waxeyna isku deyday inay sun ku disho.

Maxkamadda magaalada Trondheim ee dalkan Norway waxaa maanta lasoo taagay haweenay kontomeeyo(50) jir ah, taas oo ku eedeysan isku dey dil oo ka dhan ninkeedii hore, taas oo ay u adeegsatay daawo dhireed iyo geedo sun ah. Haweenaydan ayaa sidoo kale ku eedeysan inay dhowr mar oo kala duwan magaca ninkeeda ku qaadatay lacag deyn ah oo gaareyso 1,2 milyan kr.

Xeer ilaalinta maxkamadda kusoo oogeyso haweeneydan ayaa aaminsan in haweeneydan ay dhowr mar oo kala duwan, una dhaxeysay bishii Juun ee sanadkii 2019 ilaa bishii Maajo ee sanadkii 2020 ay isku deyday inay sun ku disho ninkii ay xiligaas i qabteen. Waxeyna xeer ilaalintu sheegeen in haweeneydan ay geedo sun ah cabsiisay ninkeedii hore, arrintaas oo ka dhacday guriga ay labadan qof wada degenaayeen oo kuyaal magaalada Trondheim.

Ninka haweeneydan qabay ayaa 11 mar oo kala duwan la dhigay isbitaalka mudadaas ay boolisku sheegeen in sunta la cabsiinayay. Waxaa labo(2) mar oo kamid ah la jiifiyay qeybta xanuunadda daran ee isbitaalka, maadaama auu wadnahu istaagay.

Xeer ilaalinta ayaa sheegay in ninkan jirkiisa laga helay maadadda sunta ah ee loo yaqaano Akonitin, taas oo laga sameeyo mid kamid ah geedaha lagu samuubo. Waxaana sidoo kale qeybo kamid ah guriga ay ku noolaayeen, weelasha yaalay iyo dharkoodaba laga helay maadaddan sunta ah.

Xigasho/kilde: Kvinne i retten tiltalt for drapsforsøk med plantegift.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x