lørdag, april 20, 2024

Labo(2) dumar macalimiin muslimiin ah oo salaanta ragga diiday oo magdhow la siiyay.

Gudi-dacweedka sinaanta ee dalka Denmark ayaa go’aamiyay in labo(2) macalimiin muslimiin dumar ah la siiyo 25.000 kr midkiiba, kadib markii lagu faquuqiyay diintooda.

Labadan dumarka ah ee macalimiinta ah ayaa tababar ahaan( Praksis) uga shaqo bilaabay iskuul kuyaal dalkaas, waxaana loo qaban-qaabiyay kulan soo dhaweyn ah. Labadan dumarka ah ayaa diiday inay gacanta ka salaamaan hogaamiyaha tababarka macalinimo, maadaama uu ahaa qof rag ah. Waxeyna salaanta gacanta badalkeeda xabadka saareen gacmaha, si ay ugu muujiyaan inay salaanta ka qaadeen.

Iskuulka ay dumarkan ka shaqo bilaabeen ayaan jecleysan arrinta ay sameeyeen, waxaana loogu yeeray kulan gaar ah. Iskuulka ayaana dumarkan ka dalbaday inay gacanta ka salaamaan dhamaan dadka, iyada oo aan loo fiirinin in qofku uu rag ama dumar ah midna.

Macalimiinta muslimiinta ah ayaan diiday inay raacaan amarka iskuulka, wuxuuna iskuulka go’ aansaday inuu joojiyo shaqadii tababarka macalinimo ee iskuulkaas laga siiyay. Labadan dumarka ah ayaana talaabadaas uga jawaabay inay dacwad ka gudbiyaan iskuulka, iyaga oo ku eedeeyay in lagu takooray diintooda.

Gudiga sinaanta ayaa hada xukumay in dumarkaas lagu faquuqay diintooda, waxaana loo xukumay in la siiyo lacag madhow ah oo gaareyso 25.000 kr midkiiba.

Xigasho/kilde: Dansk kompensasjon til muslimer som nektet å håndhilse.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x