torsdag, april 25, 2024

Ku dhowaad 300 oo codsaday Magdhow, kadib markii ay qaateen talaaka korona.

Ku dhowaad 300 oo qof ayaa dalbaday magdhow kadib markii tallaalka koronuhu sababay waxyeelooyin dhaawac iyo dhimashoba leh. Ilaa iyo hadda 1.1 milyan oo kr ayayna dowladu magdhow ahaan u bixisay.

46 kiis oo la soo afjaray ayaa 14 ka mid ah loo xukumay magdhow, sida laga soo xigtay Norsk Pasienterstating oo ah hay´adda magdhowga bukaanka.

Waxyeelooyinka ayaa waxaa ka mid ah: Caabuq wadnaha ah, dhiig xinjiroobay, madax xanuun, daal iyo tabar darro, soobax cuncun leh, Qallal ama curyaanimo muddo ku eg iyo Xajiin(xasaasiyad). 4 xaaladaha ka mid ah ayaa ku yimi waxa la yiraahdo VITT (vaksineindusert immun trombotisk trombocytopeni) oo keena in difaaca jirku sameeyo xinjiro dhiig ah iyo unugyo dhiig oo tayo liita. VITT ayaa keentay waxyeelada xaaladaha lagu bixiyey magdhowga ugu badan.

2 ka mid ah 4ta xaaladood ayaa ahaa kuwa keenay dhimasho. 15 xaaladood ayaa diidmo la siiyay sababtoo ah waxyeeladu kuma iman tallaalka ama waxay ahayd waxyeelo muddo yar ah ama qofku makhasaarin wax dhaqaale ah. 17 xaaladood ayaa dacwadoodii la laalay oo ama qofkii ayaa dacwaddii ka noqday ama warbixin buuxda oo arrinta lagu guda galo ayaan la keenin.

Xigasho/kilde: Nær 300 personer har søkt erstatning etter coronavaksinasjon.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x