torsdag, april 25, 2024

Haweenay ku dhimatay dabeylaha xalay iyo shaley ka dhacayay dalalka woqooyiga Yurub

Haweenay da´ah ayaa ku dhimatay shil lala xiriirnayo inuu ka dhashay dabeylaha xalal ka dhacayay dalalka Norway, Denmar, sweden iyo dalalka kale ee woqoooyiga Yurub.

Haweenaydan oo 78 sano jir ah ayaa meydkeeda laga helay guri kuyaal deegaanka Hæsing ee gobolka Midtfyn.

Booliska ayaa sheegay in baaritaanka ay ku sameeyeen goobta uu shilkaas ka dhacay iyo meydka haweeneyda dhimatay, ay muujinayaan in haweeneydan ay sababsatay albaab ay rabtay inay furto. Kaas oo dabeysha xoogan ee dhaceysay ay sababtay inuu gudaha ugu furmo si xoogan, uuna dhinac u tuuro haweeneydan da´da ah.

Booliska ayaa aaminsan in dhaawacaas oo uu sababay geerida haweeneydan 78-sano jir ah ee meydkeeda laga dhex helay gurigii ay ku nooleyd.

Xigasho/kilde: Kvinne døde i uværet i Danmark.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x