fredag, april 19, 2024

Fanaan Soomaali ah oo hawada ka saaray heesihiisa afka Swedishka ahaa.

Waxaa dhawaan internetka iyo meelaha kale ee lagu soo bandhigo, ama laga dhageysto Muusiga laga waayay heesaha uu qaado fanaanka Saalax Cabdi Cabdulle oo ah fanaan Soomaali Swedish ah, caana ku ah magac faneedka Dree Low.

Fanaankan oo caan ka ah gudaha dalka Swedish, heesihiina ay dhageystaan dad badan, ayaa fariin uu kusoo qoray barta Instgram-a ku sheegay sababta uu hawada uga saaray heesihiisa. Wuxuuna sheegay inuu fariistay xirfadda heesaani-adda iyo shaqada muusiga, uuna diiro saari doono wax yaabo kale oo ka wanaagsan.

Qoraalka Dree Low ayaa jawaab u noqday dad badan oo isweydiinayay sababta heesaha fanaankan looga waayay baraha internetka, sida Youtube ama Spotify.

Fanaankan ayaa sheegay inuu sii wadi doono howsha hal abuurnimadda, laakiin uu ku adeegsan doono meelo kale.

Heesaha Fanaankan soomaaliga ayaa waxaa daawaday malaayiin qof, kahor inta aan laga saarin hawada.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x