torsdag, april 25, 2024

Dowlada: Waxaan dib u habeyn ku sameyn doonaa suuqa tagaasida.

Dowlada Norway ayaa war qoraal ah oo ay maanta soo saartay ku sheegtay inay wax kabadel iyo dibu habayn kusamayn doonto suuqa shaqada ee taxiyada.

Wasiirka gaadiidka ee dalka Norway ayaa sheegay mar uu warbaahinta lahadlay in dawladiisu kashaqeyn doonto sidii loo heli lahaa suuq taxi oo qaabaysan kala dambayn iyo sharci haga oo saxana leh.

Wasiirka gaadiidka Jon-Ivar Nygård ayaa yiri dawladu waxa ay xaqiijin doontaaa suuq shaqo taxi oo shuruudo habaysan leh, macmiilku amaan ku dareemayo, darawalkana shaqo wax tarleh oo uu isku halayn karo u ah. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay Inay joojin doonaan frislippka oo ah hab aan qofka wax shuruudo ah lagu xirin inuu yeesho taxi isaga ugaar ah si madax banaan oo uusan senter ku xidhnayn, oo hada jira. Kaas oo waagii hore aan jiri jirin laakiin dawladii dawladan ka horaysay mudo sanad kahora fasaxday.

Sanad kahor ayay dawladii tan ka horaysay wax ka bedel wayn ku sameysay nidaamka iyo shuruucda suuqa taxiyada.

Waxay meesha ay kasaartay dhamaan shuruucdii xadidaysay tirada taxiyada gobolada iyo magaalooyinka loo ogolyahay inay ka dhex-shaqeeyaan. Waxaa kaloo la laalay shuruudihii qofka laga rabay inuu buuxiyo si uu u lahaado taxi, isaga oo xarun dhexe oo taxi( senter) ku xirnayn, iyo waliba shuruudihii adkaa ee lag xiri jiray qofka raba inuu noqdo darawal Taxi.

Sida wasiirka gaadiidku sheegay arintaas ayaa sababtay in mudo sanad gudihiis ah 4000 oo taxi ay suuqa soo galaa, taas oo dadka qaar ula muuqata inay kabaxsantahay xadkii iyo awoodii magaalooyinku qaadi karayeen.

Waxuu kaloo wasiirku sheegay inay jirto khatar sii kordhaysa oo ah in si suuq madaw ah looga shaqeeyo shaqada taxiga iyo inuu sii xumaanayo adeega taxi-ga guud ahaan. Waana arintaaas arinta ay hada rabto dawladu Inay wax kaqabato sida uu sheegay wasiirku.

Dowlada ayaaa sheegtay inay ka shaqyaneyso sharci cusub oo khuseeya suuqa shaqada taxi-ga, kaas oo ah mustaqbalka fog iyo mid kumeelgaraba si qaab deg-deg ha wax loogaga qabto arimaha jira sida ugu dhakhsaha badan.

Waxuu wasiirku sheegay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay sameyn doonan sharciyo ku qasbaya mulkiilaha taxiga inuu lahaado aqoon ku habooon si shaqada mid muhiima uu ugu arko . Waxuuna raaciyay inay sida ugu dhakhsiyaha badan usoo bandhigayaan dood kusaabsan arintaaas si go\aan kama dambaysa looga soo saaro.

Xigasho/kilde: Nå skal vi rydde opp i drosjenæringen

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x