fredag, mars 29, 2024

Dowlada: Hada kadib uma baahnid inaad gasho karantiil, laakiin waa inaad is baartaa

Dawladdu ayaa maanta wax ka qaar kamid xeerarkii corona. Laga bilaabo maanta (Arbaca) dadka lama karantiili doono, Haddii qof dadka ku xeeran tusaale ahan familka, mid ka mid ah uu ku dhacay korona. Laakin qofka ayaa waxa laga rabaa inuu is baaro maalin kasta inta lagu jiro xilliga karantiilka la gashey qofka ka’ag dhawaa ee laga helay covid19.

  • Waxaan qabaa, inay tani nafis u tahay dad badan, ayuu Ole Henrik Krat Bjørkholt u sheegay wakaaladda wararka ee NTB. Ole waa Xoghayaha Wasaaradda Caafimaadka iyo waaxda adeegyadda daryeelka.

-Waxa si degdeg ah u kordhi kara karantiilka, Waa haddii qoyska mid ka mid ah uu ku dhaco covid. Markasta oo qof cusub oo familka ka mid ah uu ku dhaco waxa siyaadaya ama bilaamaya karantiil cusub.

-Karantiilku sidoo kale waxa uu dhibaato ku haya bulshada. Qaar badan ma aadi karaan shaqada.

Halkan ka akhriso heerarkii ugu danbeeyay ee corona iyo isbadala ay dowladu sameysay oo af soomaali ah.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x