torsdag, april 25, 2024

Denmark: Wasiiraddii xabsiga lagu xukumay oo heshay shaqo qoraa wargeys ah.

Wasiiradii hore ee socdaalka iyo ajaaniibta dalka Denmark Inger Støjberg ayaa ka cudur daaratey in ay ka shaqeyso xisbiga dadwaynaha Deenishka(Folkepartiet), taas badalkeedana waxa ay noqon doontaa qoraa wax ku qora mid ka mid ah wargeysyada ugu waaweyn dalkaasi. Mar Ayadda oo arinkas ka hadleyso ayay Støjberg tiri.

Xisbiga dadwaynaha deenishka waan soo dhaweenaya, waa arin aad ugu wanagsan inuu shaqo ii soo bandhigo, laakiin ilama qumana xiliga inaan ka shaqeeyo Christianborg (Aqalka Barlamaanka ee Denmark), ayee yidhi Støjberg.

Wasiiraddan hore ee socdaalka iyo isdhexgalka ayaa lagu xukumay kiis maxkamada sare ah waxaana lagu xukumay 60 maalmood oo xadhig ah oo aan shuruud lahayn ah. Kadib markii lagu soo oogay, maxkamaddana sarrena ay ku heshay falal la xariira xad-gudbida sharciga mas’uuliyadda wasiirnimo.

Støjberg ayaa lagu helay danbi ah in ay fulisay oo ay taabo galisay qorshe ah in lamaanayaasha magangalyo-doonka ah, kuwaas oo midkood aan qaan-gaar ahayn aysan isla degi karain, iyada oo aan kiiskooda si aan dhamaystirnayn loo qiimeeyey. Tani ayaa ahayd sharci-darro iyo arin baalmarsan qawaaniinta wadanka Denmark. Maxkamadda sare ayaa xukuntay in Støjberg ay ka warqabtey sharci-daradda talaabada ay dowladeedu sameyneysay.

Waxay xubin ka ahayd golaha baarlamaanka intii u dhaxaysay 2001 ilaa 2021, muddadan ayaa waxa ay ahayd xubinta xisbiga Libaraalka, isla markaasna ah sidoo kale guddoomiye ku-xigeen. Bishii Febraayo 2021, waxay ka baxday xisbiga ka dib markii xisbigu go’aansadey inuu taageero kiis maxkamad sare oo iyada ka dhanka ah. Intaa wixii ka danbeeyay waxa la isla dhex marayay in ay doonayso in ay ka mid noqoto xisbiga dadwaynaha deenishka, oo ay bannaan tahay jagada gudoomiyaha.

Sida ay sheegtay, wargeyska Ekstra Bladet ayey inta badan ka falanqayn doonta arrimaha siyaasadda ee hadda jira, ayaddo ay laga filan karo inay sidoo kale ka hadli doonto mowduucyo kale.

Xigasho/kilde: Riksrettsdømte Inger Støjberg blir spaltist i Ekstra Bladet.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x