fredag, mars 29, 2024

Degmooyinka Oslo oo xoojinayo amniga goobaha talaalka.

Degmooyinka iyo xaafaddo badan oo Oslo ah ayaa ku jira diyaargarow dheeri ah iyo xoojin xaga amniga ah, ka
dib markii dadka ka soo horjeeda tallaalka ay weerar aan cunfi aheyn ay ku qaadeen xarunta tallaalka ee Tøyen, Khamiistii isbuucan.

Waa in shaqaalaheenna iyo kuwa la tallaalayo ay dareemaan ammaan, ayuu ku yidhi Tore
Olsen Pran, oo ah maamulaha degmada “gamle Olso” joornalka Avisa Oslo. Horey, xarumaha
tallaalka ee degmada ma lahayn ilaalo ama waardiyeyaal.

Degmooyinka Bjerke, Nordre Aker iyo Grünerløkka ayaa iyagu sheegany inay doorteen in ay xoojiyaan Amniga
xarumaha tallaalka.

Iyadoo lagu salaynayo dhacdooyin hore oo magaalada ka dhacay iyo qiimayn lagu sameeyay
in shilal badan oo noocan oo kale ahi suurto gali karaan, waxaa dooranay inaa
isticmaalno ilaalo, si aan uga taxadarno in ay dhacdo wax dhibaato keeni kara, ayuu yidhi agaasimaha
magaalada Rune Hallingstad.

Habeenimadii Khamiista, dhowr qof oo ka soo horjeeda tallaalka ayaa xoog ku galay xarunta tallaalka ee ku taal tøyen aga gaarka Matxafkii hore ee Munch. Sida laga soo xigtay booliiku, waxay rabeen dadkan oo ka horjeedo qaadashada talaal rabeen inay qataan daawooyinka talaalka, si ay u baaraan/daraaseyaan waxa ku jira.

Ku dhawaad ​​toban(10) qof oo kamid ah dadka goobtaas xooga ayaa laga mamnuucay inay kasoo ag-dhawaadaan goobtaas, halka laba qofna la xiray oo xabsiga loo kaxeeyay.

Xigasho/kilde: Sikkerheten ved vaksinesentre i Oslo styrkes

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x