lørdag, april 20, 2024

Ciidanka Norway: Baabuurkaaga, waxaan qaadaneynaa xiligan.

Ciidamada dalkan Norway ayaa maanta fariin u diray dad gaaraya ilaa 4000 qof oo ah dadka gawaarida leh ah. Ciidamada ayaa dadkan ku wargaliyay, inay qaadan karaan baabuurta dadka caadiga ah, haddii ay jirto xaalad baahi ah oo ciidanku ay u baahdaan gaadiid dheeraad ah.

Ciidamada ayaa sheegay in ujeedka arrintaas ay tahay, inay xaqiijiyaan in ciidanku ay heystaan waxa ay u baahanyihiin, sidoo kalena ay shacabka ka rabaan inay gacan siiyaan ciidanka, xaaladahha noocaas oo kale.

Maanta oo arbaca ah ayeey farriintan heleenn/helayaan dadka gawaarida leh, sida ay qortay warbaahinta NRK.

Ciidamada ayaa difaacaya Norway haddiiba dagaal dhaco. Taasi ayaana keenaysa in ay ubaahdaan gawaarida shacabka.

Wax lala yaabo ayeey noqon kartaa, waase tallaabo loo qaadaayo wax dhici kara ayuu yiri Sarreeye Gaas Lars Christian Aamodt.

Waxaan ku jirnaa diyaar garoow ama isdiyaarin, gawaariduna waa ka qayb kamid ah u diyaargarowga xaaladdaha dhici kara, sida uu sheegay Lars. arrintaan. Ilaa hadda gawaarida ay ciidamadu qaadan doonaan waa kuwa Baatroolka iyo naaftada ku shaqeeyo.

Ciidanka ayaa sheegay inay rabaan inay sida ugu fiican u difaacaan Norway, hadii ay timaado xaalad dagaal ama u diyaargarow dagaal. Sidaas darteedna ay mar walba baahi u qabi karaan inay shacabku arrintaas

Xigasho/kilde: Nå kan Forsvaret ta bilen din.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x