torsdag, april 18, 2024

5000 kr ayaa lagu xukumay: wey diiday inay aqbasho: Maxkamad ayaana garta siisay.

Gabar 15 jir ah ayaa loo ganaaxay inay jebisay sharciyada koronaha awgeed, iyadoo ku sugnayd Bærum, laakiin way diiday inay ogolaato ganaaxa. Waxaana kiiskeeda la geeyay Maxkamadda oo u xukuntay garta, kana deysay xukunka ganaaxa 5000 kr ee lagu ganaaxay inay bixiso.

15-jirtan ayaa ganaaxa loo jaray markii boolisku tageen guri ku yaal Bærum Shanta(5) bishii maarsa sanadkii 2021 oo buuq dartiis ay derisku kasoo cowdeen, sidaa waxa qoray Budstikka. Markii boolisku yimaadeen meesha waxaa tubnaa 20 dhallinyaro ah oo 15 ilaa 16 jir ah oo ku kulmay kuriga. Xilligaa waxaa mamnuuc ahaa in laga qayb qaato kulan khaas ah oo ay ku kulmaan 10 ruux ka badan. Dhallinyaradii oo dhan ayaa dacwad laga gudbiyey, laguna ganaaxay 5000 oo karoon midkiiba.

Gabadha ayaa u caddaysay maxkamadda garteeda qaaday ee Ringerike,Asker iyo Bærum in iyada iyo sadex (3) kale ay rabeen inay ku caweeyaan guriga saaxiibadood oo guriga deggan, filimna ku wada daawadaan. Waxeyna raacisay inay markaas guriga imaadeen koox dhallinyaro ah oo aan la casuumin.

Dhallinyarada aan la casuumin ma ahayn inay guriga joogaan in ka badan 15 daqiiqo, ka hor inta aysan guriga imaan boolis sadex(3) baabuur(roondo) ah, kadib cabasho ka timid dariska guriga.

Maxkamadda ayaa diidmada gabadha taageertay, iyagoo arrimo kalena xeeriyey sida da,deeda oo yar iyo sida muddo gaaban arrintu ugu dhacday. Waxeyna maxkamadd laashay xukunkii 5000 kr ahaa ee gabadhaas lagu xukumay.

Xigasho/kilde: Jente (15) nektet å vedta coronabot – ble frikjent i retten.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x