torsdag, april 25, 2024

Taalibaan Oslo lagu casuumay, si ay ula hadlaan reer galbeedka iyo ururada bulshada

Wasaarada arimaha dibadda dalkan Norway ayaa Xaqiijisay in wafdi kasocda ururka Taalibaan oo dhawaan lawareegay talada dalka Afghanistan ay imaan doonaan Norway isbuuca soo socda. Ururka daalibaan ayaa dalka Afghanistan hore u xukumi jiray intii udhaxaysay (1996-2001), ka hor intii aan laga fara maroojin talada dalkaas sanadkii 2001.

Dagaal lagu hoobtay oo socday mudo 20 sano ah ayay talada dalkaas dib ugula wareegeen dawladii reer galbeedku taageerayey, iyo xulafadii maraykanku hogaaminayey ee Norway kamidka ahayd.

Arintan ayaa noqonaysa markii ugu horeysay oo xubno ururka Taalibaan katirsan ay booqanayaan mid kamid ah wadamada reer Galbeedka oo i nbadan dagaal kala dhaxeeyey tan iyo intii ay lawareegeen gacan kuhaynta awooda dalkaaas bishii 8aad ee sanadki lasoo dhaafay. Hore waxa ay kulamo ugu yeesheen magaalada Doha ee xarunta dalka Qatar oo ururka Taalibaan saldhig siyaasadeed u ahaa.

Kulankan soo socda ayaa waxaa si hoose uga soo shaqaysay mudo dheer wasaarada arimaha dibadda Norway, iyada oo safiirka dalka Norway uqaabilsan Afghanistan Ole A. Lindema oo hada saldhigiisu yahay Qatar uu maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaaa Caasimada dalkaas ee Kabul. Isaga oo wada hadalo la lahaa ururka Taalibaan ee talada dalka Afghaanistaan hada gacanta ku haya.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in wafdiga ururka Taalibaan kasocda ay markii uhoraysay la kulmi doonaan qaa rkamida dadka udhaq dhaqaaqa xuquuqda bina -aadamka iyo udoodayaasha xuquqda shacabka reer Afghanistan, kuwaas oo ka kala imaanayo Afghanistan iyo wadamada kale ee masaafuriska ay ugu noolyihiin. Waxa ay shirar ku yeelan doonaan magaaladda Oslo.

Shirkan dawladda Norway ay marti gelisay, kana soo shaqaysay oo lagu wado inuu ku qabsoomo magaada Oslo 23 ilaa 25 bisha Janaayo(1aad) ee aynu kujirno, ayaa waxa lagu wadaa inay lakulmaan wafdiga Taalibaan madax katirsan dalka Norway iyo wadamo badan oo reer galbeed ah, kuwaas oo ay kamidyihiin Germany, Britain, France, Italia, EU iyo USA.

Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Norway ayaa sheegtay in kulankani uusan ka dhignayn in sharciyad iyo aqoonsi lagu siinayo ururka Taalibaan. laakiin ay tahay in lala hadlo cida hada gacanta kuhaysa awooda dalkaas.

Dawlada Norway ayaa sheegtay in ujeedada laga leeyahay kulankan ay tahay sidii xaalada bina-aadanimo ee dalkaas kajirta oo aad usii xumaanaysa gargaar bina’aadanimo oo deg dega looga geysan lahaaa.

Xigasho/kilde: Taliban kommer til Norge for å forhandle.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x