torsdag, april 18, 2024

Sweden: Wiilkan oo xabsi iyo musaafurin lagu xukumay.

Maxkamad kutaal gudaha dalka Sweden Sweden ayaa xukunno xabsi daa’in iyo masaafurinta ku xukuntay Wiil dhalinyaro oo da´diisa lagu sheegay 24-sano jir, kaas oo lagu magacaabo Maxamed Cabdiraxmaan, kaddib markii ay maxkamadu ku heshay danbi dil ah oo lagu eedeeyay inuu u geystay nin 56 jir ah oo ku sugnaa magaalada Eksjö. Waxaana sidaas qortay warbaahinta dalka Sweden.

Isla 24-sano jirkan Sweden lagu xukumay ayaa maxkamad kutaal dalka Ingiriis waxey horey sanadkii 2017 ku xukuntay xukun toban(10) sano oo xabsi ah, kadib markii lagu helay danbiyo la xiriira tuuganimo iyo afduub. Saddex(3) sano oo uu ku xirnaa xabsi kutaal dalka Ingiriiska kadib , ayaa dib loogu celiyay waddanka ​​Holland oo dhalasho ka heysto, si uu halkaas ugu dhameysto mudada ka harsan xukunkiisa xabsiga.

Sida uu qoray wargeyska Expressen ee kasoo baxa dalka Sweden, Cabdiraxmaan ayaa waxaa u soorto-gashay inuu usoo baxsado dalka Sweden, halkaas oo uu labo(2) todobaad kadib markii uu dalkaas soo galay uu ka geystay fal dil ah. Wuxuuna dilkaas u geystay nin 56 sano jir ah oo ku sugnaa guri kuyaal magaaada Eksjö kadib, isaga oo dilkaas u adeegsaday toori uu dhowr mar galiyay ninka dhintay.

Booliska Sweden ayaana markii danbe ku guuleystay inay gacanta kusoo dhigaan, isaga oo markii hore isku dayay inuu baxsado.

Maxamed Cabdiraxmaan ayaa maxkamada kahor sheegay inuusan geysan wax danbi ah, balse uu kujiray fal isdifaac ah oo uu naftiisa ku badbaadinayay.

Maxkamadda ayaan rumeysan sharaxaada 24 sano jirkan, waxeyna ku xukuntay xabsi daa´in oo loo raaciyay musaafuris laga musaafuriyo dalka Sweden.

Xigasho/kilde: Expressen.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x