onsdag, april 24, 2024

Sharci cusub: Dowlada oo wax ka badashay xiliga sugitaanka baasaboorka(Jinsiyada) Norway.

Baarlamaanka Norway ayaa bishii Juun ee sanadkan dhamaadka ah(2021) isku raacay sharci cusub oo wax looga badalayo xiliga dadka ajaaniibta ah ee raba inay codsadaan baasaboorka Norway, ay ku qasbanyihiin inay dalka ku noolaadaan, kahor inta aysan codsan jinsiyada Norway.

Sharcigan cusub oo dhaqangalkiisu uu ka bilaabanayo maalinta beri ah, ee kowda bisha Janaayo sanadka 2022 ayaa xiliga sugitaanka 6 sano uga dhigayo dadka qaarkood, halka kuwo kalena uu uga dhigayo 8 sano.

Sharcigan cusub ee beri dhaqangali doono ayaa xanbaarsan isbaladan:

  • 1) Shardiga xiliga sugitaanka jinsiyada Norway, waxaa guud ahaan laga dhigay 8 sano oo kamid ah 11-kii sano ee ugu danbeeyay. Taas oo ka dhigan in qofka ajnabiga ah ee raba codsiga baasaboorka Norway, uu ku qasbanyahay inuu sideed sano(8) oo kamid ah 11-kii sano ee ugu danbeeyay uu wadankan Norway ku noolaado, kahor inta uusan codsan jinsiyada Norway.
  • 2) Shardiga xiliga sugitaanka ee dadka magangalyada qoxootinimada Norway ka helay, wuxuu ahaan doonaan sidiisii hore oo aheyd 7 sano oo kamid ah tobankii(10) sano ee ugu danbeeyay. Taas oo ka dhigan in qofka qoxootiga ah ee raba inuu codsado baasaboorka Norway ay shardi ku tahay inuu dalka ku noolaado 7 sano, kahor inta uusan codsan baasaboorka Norway. Qofka la siiyay magangalyada qoxootinimo ayaa sida ay soomaalidu ku garan ogtahay, wuxuu heystaa baasaboor ajaaniibta ee midabkiisu uu yahay cagaarka
  • 3) Qofka canshuur bixiyaha ah ee sanadkii ugu danbeeyay shaqeeyay(ay soo gashay) lacag gaareyso 319 997 kr, waxaa xiliga sugitaanka looga dhigay 6 sano oo kamid ah tobankii sano ee ugu danbeeyay.
  • 4) Cilmibaarayaasha ajaaniibta ah ee jaamacadaha iyo hey’ addaha cilmi-baarista Norway ka shaqeeya, ayaa hadii ay rabaan inay codsadaan baasaboorka Norway, waxaa mudadda sugitaanka looga dhigay 7 sano. Sidoo kale xubnaha kale ee qoyska cilmibaaraha, ayaa iyagana isla 7 sano sugi doono, hadii ay rabaan inay codsadaan jinsiyadda Norway.
  • 5) Lacagta uu qofku bixinayo marka uu codsanayo baasaboorka Norway, ayaa laga bilaabo sanadka cusub, noqon doonto 6500 kr. Halka ay horey u ahaan jirtay 5500 kr.

Dhaqankalka sharcigan cusub ayaa ka bilaabanayo kowda(1) bisha Januar(1) ee sanadka 2022. Wuxuuna qaban doonaa dadka codsiga dhalashada Norway xareeyo wixii laga bilaabo kowda bisha.

Sidoo kale, sida ku xusan bogga hey’ adda UDI-da, Shardigan ayaan qaban doonin dadka codsiyada ay u xareysanyihiin hada, ama codsiga baasaboorka Norway gudbiyay, wixii ka horeeya kowda(1) bisha Januar(1) sanadka 2022.

Xigasho/kilde: Endrede krav til oppholdstid for å få norsk statsborgerskap.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x