tirsdag, april 23, 2024

Reysulwasaaraha oo balanqaad u sameeyay dadka ku dhibaateysan bixinta biilka korontada.

Bilihii lasoo dhaafay waxaa dalkan Norway aad u qaaliyoobay sicirka korontada oo meelaha qaarkood gaaray qiimihii ugu sareeyay abid. Arrintaas ayaa keentay inay cabasho badan soo gudbiyaan bulshada danytarta ah ee ka cabanayo inaysan awood u laheyn bixintada biilashada korontada qaaliyowday.

Dowlada ayaa horey u sheegtay in dadka danyarta ah ee ay ku qaaliyowday korontada ay dowladu u kordhineyso lacagta bo-støtten, si looga kabo bixinta biilka korontada. Balse waxaa hadana soo baxday in aririntaas aysan wada xalin karin dhibaatada ka dhalatay qaaliyowga korontada.

Reysulwasaaraha: Xal ayaan keeni doonaa:

Reysulwasaaraha Norway Jonas Gahr Større oo wareysi siiyay wargeyska TV2 ayaa sheegay in dowladu ay inta aan la gaarin fasaxa Kirismiska ee dhamaadka sanadka. Wuxuuna reysulwasaaruhu sheegay in dowladu ay ka fakareyso keenista qorshe arrintan wax looga qabto, dhawaana ay dowladu soo bandhigi doonto xal arrintan la xiriira.

Dowlada ayaa maalmihii ugu danbeeyay u fadhisay keenista qorshe meelmara oo arrintan wax looga qabanayo, waxaana qorshayaasha miiska saaran ee laga doodayo kamid ah in dadka danyarta ah ee ay ku qaaliyowday korontadu loo sii kordhiyo lacagta Bo-støtten.

Xigasho/kilde: Støre lover strømavklaring før jul.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x