torsdag, mars 28, 2024

Qof walba oo Norway soo galayo, waa inuu Corona iska baaraa 24 saac kahor.

Wixii laga bilaabo caawa saq-dhexe, qof kasta oo Norway soo galayo waxaa waajib ku noqon doono inuu wato jawaabta baaritaanka corona oo la qaaday 24 saac kahor, inta uusan qofku soo galin Norway. Arrintan ayaa sidoo kale khuseyso dadka qaatay talaalka Feyruska corona. Waxaa sidaas lagu sheegay go´aan maanta kasoo baxay dowlada Norway.

Baaritaanka ayuu qofku ku sameyn karaa sadex qaab oo kala duwan oo kala ah: Inuu isaga iska qaadi karo, uu ku mari karo xuduuda ee meesha uu kasoo baxayo, iyo meelaha baaritaanka lagu maro ee dowladiga ah. Hadii baaritaanka uu qofku maray uu muujiyo wax calaamad ah oo lala xiriirin karo corona, waa inuu 24 saac gudahood ku qaataa baaritaanka weyn ee loo yaqaan PCR-test.

Dowlada ayaa sidoo kale dadka kula talisay inay yareeyaan la kulanka dadka badan, ay ku shaqeeyaan guryaha intii ay awoodaan, ayna sidoo kale xirtaan afxirka hadii ay adagtahay in hal mitir lakala fogaado. Gaar ahaan goobaha senterada, gaadiidka dadweynaha iyo dukaamada.

Xigasho/kilde: Dette er de nasjonale og regionale tiltakene.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x