torsdag, april 18, 2024

qiyaastii 50% dadkii ku dhintay shilalka baabuurta sanadkii 2020, ma aysan xiran suunka baabuurka.

Sida laga soo xigtay tirokoob ay sameeyeen boolisku, 47% dadka sanadkii lasoo dhaafay ee 2020 ku dhintay shilalka baabuurta ee ka dhacay gudaha Norway, ayaa ahaa dad aan xiran, ama si qaldan oo aan sax aheyn u xirtay suunka baabuurka.

Sida lagu sheegay tirokoobka sanadkii lasoo dhaafay waxaa 89 qof, 53 qof ah oo dadkaas kamid ah ayaan xirneyn ama si qaldan u xirnaa suunka baabuurka, sida lagu sheegay tirokoobka ay boolisku sameeyeen.

Booliska ayaa sheegay in mid kamid ah sababaha ugu waaweyn ee dadku aysan u xiran suunka baabuurka, marka laga tago ilowshaha, ay tahay adeegsiga maandooriyaha.

Guud ahaan Norway, dadka adeegsada suunka baabuurka, marka ay wadaan ama saaranyihiin baabuurka, ayaa u dhaxeeyo 87 ilaa 98%.

Xigasho/kilde:Nesten halvparten av de omkomne i bilulykker brukte ikke bilbelte.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x