torsdag, april 25, 2024

Oslo: Taksiile wado qaldan baabuurka ku kaxeeyay oo 8 bilood laga qaaday leysinka Taksi-wadista.

Maxkamadda magaalada Oslo ayaa go´aamisay in nin taksiile ah oo 28 sano jir ah laga qaado leysinka ogolaanshaha taksi-wadista, kadib markii lagu helay danbi ah inuu wado qaldan ku waday baabuur-ka taxi-ga. Go´aanka Maxkamada ayaa waafaqsan codsigii booliska ee ahaa in ninkan leysinka Taxi-ga laga qaado 8 bilood.

Falka ay maxkamadu xukunkeeda riday ayaa dhacay labadii(2) Bishan Desember(12), wuxuuna ka dhacay jidka dheer ee E18, agagaarka xaafada Holmen ee magaalada Oslo. Booliska ayaana sheegay inay heleen fariimo sheegayo qof taksiile ah oo baabuurka ku wado dhinaca uu jidku u socdo ma ahaane, dhinaca kasoo horjeedo(Feil retning).

Booliska oo soo gaaray goobta ayaa sheegay inay qabteen 28-sano jirka taksiilaha ah, kaas oo isla markiiba qirtay inuu wado qaldan ku waday baabuurka. Wuxuuna sheegay inay arrintaas sabab u aheyd jidka oo uu dhisme ka socday, iyo calaamaddaha wado-marista oo aan si fiican u muuqadan.

Ninkan ayaa booliska u qirtay inuu sameeyay qalad jabinayo xeerka wado-marista, uuna baabuurka wado qaldan ku waday mudo u dhaxeyso 30 ilbiriqsi ilaa labo(2) daqiiqo, balse wuxuu diiday inay boolisku ka qaadaan leysinka. Taas oo markii danbe keentay in kiisku uu tago maxkamada Oslo, loona kala garqaado xeer ilaalinta booliska iyo ninka darawalka ah.

Maxkamada Oslo oo qaaday garta kiiskan ayaa booliska ku raacday in ninkan uu sameeyay qalad weyn oo halis galin karay naftiisa iyo nafta gaadiidka kale ee wadada marayay. Waxeyna maxkamadu sheegtay in nasiibka oo qur ah uu ka hortagay in ninkan uusan wadado ku galin shil, xiliga uu falkaas sameynayay.

Maxkamadda ayaana go´aamisay in ninkan 8 bilood laga qaado leysinka darawalnimadda taxi-ga.

Xigasho/kilde: Kjørte i feil retning på E18 – taxisjåfør fratatt førerkortet

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x