lørdag, april 20, 2024

Oslo: 10.000 qof oo codsatay in laga caawiyo biilka korontada.

Dowlada Norway ayaa bilowgii bishan soo rogtay xeerar cusub oo si kumeel gaar ah loo meelmariyay, si dadka danyarta ah looga taageero bixinta biilka korontada, oo qiimaheedu uu aad sarre ugu kacay bilihii ugu danbeeyay. Halkan kasii akhri warkii aan arrintaas horey uga qornay.

Taageeradda dowlada ayaa isugu jirto dhowr nooc oo lagu taageerayo dadweynaha aan awoodi karin bixinta korontada, waxaana kamid ah in dowladu ay lacagta «Bo-støtten» ee kabka kirada guryaha u kordhisay dadka horey u qaadan jiray lacagtaas. Halka dhanka kale ilaa 50.000 qof oo cusub oo dheeri ah fursad loo siiyay inay codsadaan Bostøtte, si looga taageero bixinta biilka korontada.

Taageeradda dowlada ayaa ku saabsan in dadweynaha laga caawiyo bixinta biilka korontada bilaha Janaayo, Febraayo iyo Maarso.

Sida laga soo xigtay husbanken oo ah hey´adda(Bankiga) qaabilsan ka shaqeynta, iyo go´aan ka gaarista kaalmooyinka dhaqaale ee la xiriira guryaha, ilaa 10.000 qof oo kunool magaalada Oslo, horeyna aan u qaadan jirin bostøtten, ayaa maalmihii lasoo dhaafay dalbaday bostøtten. Si looga caawiyo bixinta biilka korontada.

Caawa saqda dhexe(31.12) waxaa ku eg xiliga ugu danbeeyo ee qofka aan horey u qaadan jirin bostøtte, uu codsan karo kaalmadaas dhaqaale ee dowladu ay dhawaan meelmarisay, si biilka korontada looga taageero bisha Janaury. Husbanken ayaa dhanka kale sheegay inay jiri karaan dad badan oo xaq u leh inay fursadaas ka faa´iideystaan balse aan wali codsan lacagtaas.

Waxaana xusid mudan in qofkii horey u heli jiray bostøtte, uusan u baahneyn inuu codsado kaalmadan cusub ee dowlada.

Hadii aad macluumaad dheeri ah ka rabto, qaabka aad u codsan karto, halkan ka gal.

Xigasho/kilde: 10.000 har søkt om strømstøtte.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x