mandag, april 22, 2024

Ohio-USA: Meydka wadaad soomaali ah oo la weysanaa oo la helay.

Meydka Sheekh Maxamed Xasan Aadan oo imaam ka ahaa Masjidka Abu Hureyra ee Soomaalida magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa la helay kadib maalmo la la’aa.

Meydka Sheekh Maxamed ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii shalay laga dhex-helay baabuurkiisa oo yiil meel howd ah oo ku taalla dhinaca waqooyi ee magaalada Columbus.  

Imaam Maxamed ayaa waxaa ugu war dambeysay laba habeen kahor markii uu salaadda Cishe dujiyey.

“Markii uu soo laaban waayey, xaaskiisa ayaa wacday balse marna kama uusan jawaabin taleefonkiisa. Qof kasta wuxuu isku dayey inuu helo balse ma dhicin,” waxaa sidaas yiri Xasan Cumar oo ah guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ohio.

Wixii markaas ka dambeeyey boqolaal ka mid ah Soomaalida Columbus ayaa waday olole lagu baadi-goobayo, oo dhamaman xaafadaha magaalada looga raadiyey.

Imaam Maxamed wuxuu sidoo kale ahaa aabe iyo ganacsade aad looga dhex jeclaa bulshada Soomaalida.

“Canug kasta oo halkan joogo qur’aanka ayuu baray billow illaa dhammaad,” waxaa sidaas yiri Cabdi Cumar oo ah 29 jir ka mid ah Soomaalida Columbus. 

Bulshada Soomaalida ayaa dalbatay caddaalad iyo baaritaan buuxa oo lagu sameeyo geerida Imaam Maxamed.

Sidoo kale, Golaha Xiriirka Muslimiinta Mareykanka ee CAIR ayaa ku yaboohay 10,000 oo dollar oo ah abaal-marin la siinayo qofkii keena akhbaar hoggaamin karta in lasoo qabto qof kasta oo ku lug leh geerida Imaam Maxamed.

Xigasho/kildE: C.O

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x