fredag, april 19, 2024

Macalin dadka bara waditaanka baabuurta oo xawaare dartiis xabsi loogu xukumay.

Macallin taraafik oo ku jira da´da soddomeeyada(30) ayaa sannadkii hore laga qaaday laysinka gaariga, ka dib markii uu gaariga u waday si qallafsan, laakiin waxaa gadaal kasoo baxday in ninkan uu weli sii watay shaqadiisa aheyd inuu dadka baro waditaanka baabuurka. Maxkamada Oslo ayaa macalinkan hada ku xukuntay 60 maalmood oo xabsi ah.


Ninkan ayaa maxkamadda degmada Oslo xagaagii hore kahor qirtay inuu ku waday gaariga 137km saacaddii, xili uu marayay wado ugu badnaa loo ogolaa 80 km/saacadii, waxaana sidaas darteed laga qaaday leysinkii baabuur wadista muddo 10 bilood ah.


Bishii 2.aad ee sannadkan ayaa ninkan lagu xukumay 24 cisho oo xabsi ah, maadaama uu ugu yaraan 109 saacadood oo wadista baabuurta ah uu barayey ilaa 18 arday, in kabadan sadex(3) bilood ka dib markii laysanka laga qaaday. Sannadkii hore bishii sagaalaad(9) ayey ahayd markii hay´dda taraafikadu ku samaysay kontorool  isuulkiisa wadista, waxaana lagu xukumay in leysanka laga qaado sannad hor leh.


Xeer ilaaliyaha danbiga kusoo oogay ninkan ayaa qabay in ganaaxu yaraa ama uu ka hooseeyay ciqaabtii uu mudnaa, sidaa darteedna wuxuu xukunka maxkamada ka qaatay racfaan .Markii uu kiisku yimid maxkamadda rafcaanka maalintii khamiistii, waxa uu xeer ilaaliyuhu codsaday in ninka la xiro 90 maalmood oo xabsi ah iyo laysanka oo laga qaado 3sano.


Maxkamadda rafcaanku waxay ku qanacday in xukunkii maxkamadda degmadu uu mid fudud, waxayna muddadii ka dhigtay 60 cisho. Waxayse ku raacday in ninka laga qaado laysanka muddo sannad ah oo ka bilaabmaysa 9 kii febraayo ee sannadkan.

Xigasho/kilde: Kjørelærer mistet lappen etter råkjøring – fortsatte å ha kjøretimer.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x